Garowe(Puntlandpost)- Waxaa maanta oo Jimco ah kuna beegan 24 June 2016-ka lagu wadaa in magaalada Baydhabo lagu soo xiro shirka madasha wadatashiga Qaran ee labadii maalin lasoo dhaafay ka socday halkaasi.
Shirkaani oo aan wali ka dhalan wax khilaaf ah ayaa waxaa looga hadlayaa Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan, arimaha amaanka, Isbedelka Dastuurka, Qoondada Haweenka dowladda la dhisayo ay ku leeyihiin iyo arimo kale oo muhiim ah.
Shirka oo intiisa badan looga gudbay waxyaabihii khuseeya ayaa waxaa la filayaa in maanta laga soo saaro war-murtiyadeed ku saabsan isfahanka iyo wixii lagu heshiiyay.
Shalayto sedex saac ilaa shan saac waxaa laga hadley dhameystirka howlaha la xiriira doorashooyinka wadanka ka dhici,doona 2016 .
Isla shaleyto shan saac oo subaxnimo ilaa lix saac oo duhurnimo waxaa shir gaar ah wada yeeshey madaxda madasha wada tashiga Qaran iyo xubno ka socda beesha caalamka.
Isla shaleyto lix saac ilaa todobo saac waxaa wada hadal dheer galey hogaamiye yaasha madasha wada tashiga Qaran iyo xubmo gabdho ah oo raadinaayaa xuquuqda gabdhaha Somaliyeed ay Ku yeelan doonaan baarlamaan cusub ee jamuuriyada federaal Somaliya.
Isla shaleyto waxaa laga hadley dhisida iyo habraaca gudiga xalinta khilaafadka doorashooyinka isla shaleyto waxaa laga hadley dhameystirka iyo ansaxiinta liiska 135 Oday oo 2012 soo xuli jirey baarlamaankii soo doortey madaxweynaha hadda xilka haaya ee Mudane Xassan sheekh maxamuud.
Manta oo ay taariikhdu tahay 24,6,2016 waxaa laga hadli doonaa dib u eegista dastuurka ay hadda Ku shaqayso dowlada federaal Somaliya isla manta waxaa laga hadli doonaa dhameystirka gudiyada ka xaajoonaaya xuquuqda ay golaha sanadka ku yeelan doonto magaalada caasimada ah ee muqdisho.
Isla manta waxaa laga hadli doonaa sida uu noqon lahaa ciidamada boliiska Somaliyeed heer gobol iyo heer federaal ugu dambeyntii waa xiritaanka iyo in la saxiixo wixii lagu heshiiyey waxaana la soo saari doonaa war murtiyeed Ku qoran wixii lagu heshiiyey
Ugu dambeyntii, hogaamiye yaasha madasha wada tashiga Qaran waxay ka loo laaleen oo gabi ahaanba maasha ka saareen gudigii doorashada oo ahaa 22 xubnood oo uu dhowaan soo magacaabey madaxweynaha hadda xilka haaya ee Mudane Xassan sheekh maxamuud .
Kayse Muse Ali
PuntlandPost
Garowe
The post Faah Faahin: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Lagu Soo Xirayo Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay. appeared first on Puntland Post.