Bosaso: (pp)- Urur muddo la sugayay oo looga dhawaaqey London Iyo Washinton/ Bossaso. Ururkan oo hadafkiisu yahay u Ololeynta Qadiyada Puntland ee Aduunka, Iyo Abaabulka Jaaliyadaha Puntland ee Dalka Dibbadiisa ku nool.
Aasaasida Ururkan ayay ka danbeysay kadib markii dadka Reer Puntland xuquuqdoodi ey ka heli waayeen Dowlada Soomaaliya, Iyo Dowladaha Soomaaliya Deeqaha kala duwan siiya, ayaa la isla qaatay in la helo Urur ka shaqeeya la-xisaabtanka Dowladaha Soomaaliya deeqaha siiya Iyo sidoo Qurbajoogta Puntland ey u noqon lahaayeen kuwa la xisaabtama Dowladaha ey ku nool yihiin.
Ururkan ayaa sidoo kale diirada saari doona Abaabulka Iyo Mideynta Jaaliyadaha Puntland ee ku nool Shanta Qaaradood isagoo adeegsan doona Raga Iyo Haweenka hormuudka u ah Jaaliyadaha Puntland.
Ururka Iftiimin waxa uu sidoo kale diirada saari doonaa sidii Qurbajoogta Reer Puntland ey dalka dibb ugu soo noqon lahaayeen, taasoo abuuri karta Maalgashi Iyo shaqo abuur.
Ururka Iftiimin waxa uu dar-dar galin doonaa ka mira dhalinta hishiisyadii Puntland loo balan qaadey isagoo booqan doona Dalalka deeqahaas sameeyay. Ugu danbeyn Ururka Iftiimin, waxa uu Olole weyn u gali doonaa sidii Reer Puntland u heli lahaayeen, xuquuqda Scholarships amase Deeqaha Waxbarasho Iyo Mashaariicda Caafimaad ee Soomaaliya lasiiyo balse lagu qeybsado Mogadishu oo kaliya.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Ururka Iftiimin, Mudane Ismaaciil Aadan Diiriye Iyo Sakariye Isticmaar, oo kamid ah Hogaanka Ururkaas waxa ey Shacabka Puntland Dal Iyo Dibbad ka codsanayaan wadashaqeyn, Taageero Dhaqaale Iyo Mid maskax, waxana ey lee yihiin shaqo ayaa noo taala, waxaan idin ka rajeyneynaa Garab Iyo Gaashaan.
Gacmo-wadajir bey wax ku gooyaan.
Fadlan ku Tabaruc waxii aad awoodo ee dhaqaale.
Xawaalada Amal Express. Ururka Iftiimin, Acc, 070204-5465501
Xawaalada Dahabshiil, Ururka Iftiimin, Acc, BSSD004031
Mahadsanidin
Daabacaada : Puntlandpost.com
Boosaaso.