Dr. Admore Kambudzi, wuxuu sheegay in guddigooda ay dhowr jeer la kulmeen Xasan Daahir Aways, wuxuuna sheegay sida fahamkiisu yahay in dowlad kasta oo soo baxda waxa ka hor imanaya ay yihiin wadaddo, wuxuuna cadeeyay inay yartahay ama aysan jirin wax kale oo xal ah oo laga filo SHiikh Xasan Daahir Aways. Hadalka uu jeediyay Kambudzi, wuxuu noqday dhiilo hor leh, oo dowladihii Afrikaanka ahaa ee shirka hor kacayay sida IGAD, oo iyagu markii horaba intii uu shirka bilowday hadal haayay ammaanka iyo ciidamo suga oo dowladda dhismaysa la siiyo.
Guud ahaan erggeda Soomaaliyeed way ogaayeen wayna rumaysnaayeen in ciidan la’aan dowlad kasta oo dhisanta aysan hananayn dalka, laakiin kooxaha hubaysan siiba kuwa Muqdisho sal-dhiggoodu ahaa way ka shakisanaayeen tallaabada noocaas, kumana aysan farxasanayn hadal haynta arrintaan, sababtuna waxay ahayd iyagoo aan doonayn cid kale oo hubaysan oo aan iyaga ahayn inay Muqdisho joogto. DHinaca kale xubno badan oo ka mid ah kooxda Bulshada Rayadka ayaa iaygu aad ugu ololeyniyay in ciidamo nabadda ilaaliya ay lama huraan tahay si dowladda la soo dhisayo ay u noqoto mid dalka ku dhex shaqayn karta.
Waxaa iayadana marar badan muuqanayay dabeecado is diidan qof kasta oo ka mid ah erggeda Soomaaliyeed ee shirka fadhisa wuu jeclaan lahaa haddai laga maari karayo inaan ciidamo shisheeye la keenin dalka, waxaase aan taas laga dhaadhicin karo qof kasta oo ka mid ah erggeda shisheeyaha ah, inkastoo iyaga dhexdooda ay adkayd inay isku waafaqaan waxyaabaha qaarkood oo marka aad iayaga la sheekaysato ama aad weydiiso arrintaas badankood waxay ka hadlayeen inay arrintaas haboontahay laakiin loo baahanyahay in laysla garto; nooca ciidanka la keenayo, Ma mid nabad ilaalin ah oo difaac ah baa, ma mid dagaalamayaa oo dalka qabanayaa, yaa hooggaaminaya, dalalkee baa laga keenayaa…..Soomaalida shirka fadhisa waxay iyagu ka sinnaayeen haddii ciidan la keenayo inaan ciidamo Itoobiyaan ah lagu darin ciidammadaas!…..
September 02, 2004, waxaa kulankii u horeeyay isugu yimid xubnihii la dhaariyay ee Barlamanka oo shirkii u horeeyay ku yeeshay qolka (Hall) shirarka ee Bamas Of Kenya oo aan ka fogeyn halkii uu shirka ka socday ee Mbagathi. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la helo oo barlamanku iska soo xulo guddomiye ku meel gaar inta laga dooranayo guddoomiyhii barlamanka, kaasoo lagu soo xulayay nidaam lagu saleeyay qofka ugu da’da weyn inuu noqdo, waxaana la fiiriyay nimankii isa soo sharaxay qof kasta waraaqihiisii aqoonsiga ama baasaboorkiisa da’da uga taal waxaana ku guuleystay oo ku soo baxay Xirsi Bulxan.
Bulxan ayaa isl markii la soo xulayba guddoomiyay shirkii loo fadhiyay, waxaana looga hadlay hawlo hor yaala xubnaha cusub ee xil-dhibaanada oo ay ugu horeyso inay doortaan guddoomiyihii barlamanka iyo ku-xigeennadiisi, waxaa kaloo laysla meel dhigay waqtiga doorashada iyo sidii loo dedejin lahaa hawshaas. Waxaana bilowday olole weyn oo xizbiyadiisu ku salaysanyihiin kooxa hubaysan sida ay isaga soo hor jeedaan, waxaana isla markiiba araajida musharaxnimmada soo gudbiyay dad gaarayay ilaa 11 qof oo nin kasta uu doonayay inuu noqdo guddoomiyaha barlamanka.
Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa waxaa loo xulay guddi lix xubnood oo xog-hayn u noqda, oo kala shaqayniya diyaarinta tartanka doorashada gudoomiyaha uu barlamanka yeelanayo, kuwaasoo kala ahaa; Max’ed SHiikh Axmed (Gebyow), Cabdi-Kaafi Macallin Xuseen, Qamar Adan Cali, Xuseen Faarax Ceelaabo, Fahmo Axmed Nuur, Max’ed Cumar DHalxa. Waxaana soo baxday in dadka u tartamaya ay ka badanyihiin tirradii la filayay ; Cabdala Deerow Isaaq Guddoomiyahii xilligiisii dhammaaday, Xirsi Aadan Rooble, Axmed Ibraahim Maxamuud, SHariif Xasan SH. Aadan, SH. Aadan Madoobe, ,Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi, Hilowle Imaam Cumar, Cabdi Cabudle Jini-Boqor, Xuseen Cismaan Xuseen, SHariif Saalax, iyo Maxamed Cabdi Yuusuf.
Waxaa laysku raacay in doorashadu Af-Hayeenka ay noqoto September15, 2004, ka dibna ay Ku-Xigeennada, waxaa laysku raacay xeerarka iyo sida look ala guulaysanayo….wixii iigu darnaa, iigu naxdinta badnaa, iigu yaabka badnaa, aadna iiga niyad jabiyay himaddii igu jirtay wuxuu ah Laaluushka aan la kala qarsanayn, aan laysku ceebsanayn, kan bixinay iyo kan qaadannay labadaba ay faraxsanyihiin oo uusan midkoona yaxyax dareemayn….Calaamad aad u xun bay ahayd! Waaba ceebta intaas la eg u bareer oo hadana in laguugu yeero “MUDANE” aad rabto!
Tiiraanyo weynaa!….agoon, dhaawac, bukaan, gablan, waayeel, naafo iyo curyaan aan cid kale lahayn dadkii badbaadin lahaa, wax tari lahaa kuwaas ma noqon karaan?! Jawaabtu waa iska caddahay….waxaan soo xasuustay dalkii oo ay dowlad ka jirto, waxaan qiyaasayaa inay ahayd 1987dii, waa xafiis dowladeed, nin baa xeer ilaalinta gobolka u soo dacwooday, oo dhibaato soo sheegtay, waa laga aamusay, sida aan ka gartayna muddo ayuu soo noqnoqonayay oo maalin kasta la lahaa “Berri soo laabo!” waa nin muuqaal ahaan aad is leedahay saddaqada way ku baxdaa, waa nin weyn oo da’ ah, saacadaas iila ekaa inuu gaajaysanyahay, dharku uu qabo dushiisa ku dhammaaday, ku cadaaday, midabkii kaga dhammaaday, wuxuu qabay kabo dacas oo meel kasta silig kaga xiranyahay , suulka cagta calal baa ugu duubnaa oo silliggaa nabar u yeelay, markuu bixi lahaa baa nin dhallin yaro ah intuu ka dabo tegay ku yiri “Adeer 50 kun ma iska bixinaysaa!…” hadda waa 50 kun shilling oo laaluush ah…..bal adigu maxaad taas oo kale u qaadan kartaa?!…naxariis darradaas intaas la eg! ….
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.