Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Soomaaliya oo Hambalyo ku aaddan maalinta Xorriyadda Djibouti u diray Madaxweyne Geelle

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo oo ku saabsan xuska sannad-guuradii 39-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Djibouti u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaaliya ayaa lagu yiri

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo keygaba waxaa sharaf weyn ii ah inaan idin la qeybsado farxadda xuska maalinta xornimada dalkiina. Djibouti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero inoo ah, horumarka aad gaarteenna muddadii aad xornimada haysateen waa horumar ay Soomaaliyana ku faanto’, ayuu dhambaalkiisa ku yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale dhambaalkiisa uu ku ammaanay hoggaanka Madaxweyne Geelle oo uu sheegay inuu reer Djibouti u horseeday horumar, nabad iyo xasilooni.

“Waxaan kugu bogaadinayaa hoggaankaaga toosan ee ku dayashada mudan ee aad shacabkaaga ugu horseedday horumarka iyo nabadda Djibouti ka jirta. Hufnaanta hoggaankaaga waxaa sidoo kale ka faa’ideystey shacabka Soomaaliyeed oo aad wax badan u hurtay. Soomaaliya waxay mar walba doonaysaa inuu sii jiro lana sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaanka iyo shacabka reer Djibouti u rajeeyay horumar, nabad iyo barwaaqo, sannadkan kiisa xigana ay ku gaaraan horumar ka ballaaran kan waqtigan ay haystaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Soomaaliya oo Hambalyo ku aaddan maalinta Xorriyadda Djibouti u diray Madaxweyne Geelle appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>