Garowe-(Puntlandpost)-Italy ayaa caawa la kulmi doonta xulkii afar sano ka hor koobkaan ka qaaday ee Spain oo ay isku qaban doonaan wareega 16 ka ee tartanka Euros 2016.
Kulanka: Italy Vs Spain
Garoonka: Stade de Frnace
Saacada Geeska Afrika: 7:00 Fiidnimo
Wararka Labada Xul
Azzuri ayaa heleysa fursadii ugu horeysay ee ay kaga aar gudan karto xulka La Roja oo afar sano ka hor ka qaaday koobkaan Euro sidoo kale kii ka horeeyay ee 2008 na ka reebay marka ay labada xul caawa isku qabtaam Saint Denis ee duleedka magaalada Paris ee caasimada France.
Conte xulkiisa waxaa markasi hogaaminayay macalin Cesare Prendelli waxaana garaacay xulkii macalin Luis Aragones ee La Roja iyagoo ku xasuuqay 4 gool oo ana jawaab laheyn.
Iker Casillas, Andres Iniesta, Cesc Fabregas, Sergio Busqutes iyo Silva ayaa dhamaan kasoo jeeda dhanka Spain xili ay wajahayaan ciyaartooy ay hore isku qaabileyn oo talyaani ah oo ay kamid yihiin Gigi Buffon iyo Danielle De Rossi oo kamid ahaa xidigihii guuldarada ay ku raacday Ukraine afar sano ka hor.
Macalin Antonio COnte ayaa shaxdiisa ku soo celin doona Buffon, Cheillini, Candareva, Chiacherini, De Rossi iyo Pelle kuwaasoo la nasiyay kulankii ay guuldarada kala kulmayay Ireland.
Dhanka Spain wuxuu macalin Vicent Del Bosque xulkiisa ciyaarsiin doonaa shaxdii uu guuldarada kala kulmay Croatia waxayna labada xul kii soo adkaada ay la kulmi doonaan xulka Germany oo xalay 3 gool ku ciqaabay xulka Slovakia.
Xaqiiqooyinka Kulankaan:
Kani waa kulankii 35aad ee u dhexeeya Italy iyo Spain. rikoorka labada koox ayaana ah mid siman waxayna mid waliba heysata 10 guuul halka ay barbaro galeen 14 kulan.
Kulankii lixaad ee ay Italy iyo Spain isku qabtaa European Championships waana labada koox ee inta ugu badan isku soo aaday.
Italy ayaa isticmaashay ciyaartooy ka badan wadan kale oo ka qeyb qaadnaya euro 2016 (22).
Spain ayaa ku guleystay labadii tartan ee ugu danbeysay ee Euros (2008, 2012), waligeedna kama dhicin tartankaan
Cesc Fabregas ayaa sameeyay ugu yaraan hal caawinaad lix tartan oo waa weyn uu kaga qeyb galay Spain. waa markii ugu horeysay an iyo 1980, kaliya Karel Poborksy ayaa sidaasi hore u sameeyay (6).
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:
Italy: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Florenzi, Parolo, De Rossi, Giaccherini, Darmian; Pellè, Éder.
Spain: De Gea; Juanfran, Piqué, Ramos, Alba; Busquets, Fàbregas; Silva, Iniesta, Nolito; Morata.
Kayse Muse Ali
puntlandpost
Garowe
The post Hordhaca Kulanka Italy V.S Spain, Azzuri Oo Rajaynaysa Inay Caawa ka Aarsato Xulkii Koobkaan Ka Qaaday Afar Sano Ka Hor appeared first on Puntland Post.