Garowe-(Puntlandpost)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel loogu soo wada jeesto dagaalka ay Dowlada kula jirto Al-Shabaab.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay iney si dhaw ula shaqeeyaan Hay’adaha amaanka ee Dowladda.
Waxa uu tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay ku dadaalayso in la soo afjaro dagaalka Al-Shabaab isla markaana laga saaro guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa xusay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira Ciidamada Dowlada iyo Dowladdaha Ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya, Waxaana weeraro ismiidaamin ah ay ka geystaan Xarumaha Dowladda iyo Hotel ku yaalla Muqdisho.
DHAGEYSO- Ra’iisul Wasaaraha “Al-Shabaab waa in halmeel looga soo wada jeesto” - The Media's The Most Powerful Entity On EarthKayse Muse Ali
Puntland Post
Garowe
The post Ra’iisul Wasaaraha Somaliya “Al-Shabaab Waa In Halmeel Looga Soo Wada Jeesto” appeared first on Puntland Post.