Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXIV) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Waxaa hubaal ah inaysan waxba qarsoonayn, ma aha wax quruxsan in laga sheekeeyo xummaanta iyo dhibaatada haddii aan waxba laga qaban karayn, ama kuwii sameeyay ama mujtamacii lagu sameeyay aysan dhibayn ama ka diirayn, waxaase igala sii xun in laga aamuso. Mid shaki kuma jiro, erggedii shirka Mbagathi fadhiday ama xil-dhibaannadii lagu soo xulay inaysan haysan lacagihii meeshaas lagu kala qaadanayay ee laaluushka look ala qaadanayay, waa ay jireen dadyow lacag fiican haystay siiba qabqablasyaashii Muqdisho ka soo jeeday, hasa yeeshee wali way ku adkaan lahayd inay lacagahaas baxshaan….marka meeshaas waxaan ka marnaan karin in lacago badan oo loo isticmaalaya tartankii doorashooyinka madax-weynaha iyo kii Af-hayeenka ay meelo kale ka yimaadeen.

 

Doorashadii af-hayeenkii Soomaaliyeed habeenkaas waxaa ku soo baxay SHariif Xasan SHiikh oo wareeggii u dambeeyay kaga adkaaday Aadan Max’ed Nuur (Aadan-Madoobe) waxaan maqli jiray labadii xaq-darro ku heshiisa hadhow bay xaqa ku dagaalamaan! Murtida waa wax cajiib ah, markii lagu dhawaaqay in SHariif Xasan SHiikh Aadn uu ku guuleystay baa iyadoo aad moodo in la sasabayo dhinaca laga adkaaday ama la rabo in la fahamsiiyo inuu oggolaado in la adkaaday baa waxaa loo yeray Aadan-Madoobe loogu yeeray inuu hadal kooban jeediyo si uu u muujiyo inuu aqbalay natiijadii ay doorashadu ku dhammaatay, isla markaasna uu u hambalyeeyo dhinacii ka soo hor-jeeday, laakiin maxaa dhacay?!

ole
Waxay ahayd waxaan laga filayn Aadan-Madoobe inuu sidaas u hadli doono, sida dhaqanka erggedii shirkaas fadhiday ama xil-dhibaannadii lagu soo xulay uu ahaa qofka wuxuu doono ha ahaado, sacabka waa loo garaacayaa haddii aysan jirin xaalad markaas taagan oo lagu haysto oo gaar ah, sidii caadada markii uu soo kacay sacab baa lagu soo dhoweeyay, laakiin waxaa jiray dareen muuqday oo ahaa inuu xanaaqsanyahay, oo markii loo yeeray inuu hadalka jeediyo wuu yara diiday oo waxaa la wada hadlaya shir-guddoonkii Kiplagat iyo Max’ed Cabdi Afeey iyagoo ka codsanaya inuu u hambalyeeyo guddomiyaha la doortay.

 

Aadan-Madoobe, shirkii buu soo hor joogsaday, aad baa loo aamusay, aamusnaan aan maalmahaas shirka soo marin, nin kasta dhegta ayaa u taagnayd, waxaa la ogaa inuu xanaaqsanyahay, maxaa ka soo yeeri doona?….isagoo aad ay wajigiisa uga muuqato carada,  isagoo aad u malayso inuu is qasbayo oo hadalku ku adagyahay yiri “Aniga wax aan aqoonsanahay go’aankii doorashadaa ma jirto, kulli waa tuugo! Lacag baa la qaybshay laaluush baa la bixiyay, ma aqoonsani waan ka soo hor jeedaa, wax aan aqbali karana ma aha!” oo si xoog ah u soo degay isagoo laxaadsanaya…Yaa?! Laaluush baa la baxshay!…Lacag!…..waxaan aad ula yaabay sababaha uu sheegay inuu diidanyahay go’aanka soo baxay, anigii baa shakiyay, waxaan is weydiiyay “Oo kaalay ma dhici kartaa Aadan-Madoobe inuusan ogeyn laaluushka ay kooxdiisa bixinaysay?!”…..

 

Sida uu u hadlay waxay ahayd si aan laga filayn qof shaxdii wasakhda ahayd ee habeenkaas socotay wax ka ogaa sidiisii kale, wuxuu waliba tilmaamay in meesha wax fool-xun ay ka socdeen, laaluush, musuqmaasuq, iyo dad codkoodii la gadanayo!…isla markiina shirkii waa la soo gabgabeeyay….IGAD, iyo erggeda shisheeye ee shirka fadhiyay waxaas uu Aadan aqrinayay cidna wax kama soo qaadin, natiijada doorashadana sideedii bay ku ansaxday.

 

Erggada shisheeyaha ah qaarkood oo aan weydiiyay waxa lagu macnayn karayo xanaaqa Aadan- Madoobe ayaa isku si uga jawaabay, waxayna giddigooda ku macneeyeen inuu ahaa waxaas xanaaq siyaasi oo ay tahay arrin iska caadi ah ama lagu dabeecadda siyaasiyiinta, waxaase macno ii sameeyay hale ray oo ay qaarkood ku dareen oo ahaa inay caadhifadda ka xoog badisay! Caadhifad ?!…waa sida ay u sheegeen, laakiin caadhiifadda macnaheedu waxaa weyye dareenka qofka oo ka xoog badsha caqligii iyo xil-kasnimada qofka, waxayna timaaddaa marka uu qofka u adkaysan waayo xanuunka dareenkaas ku hayo ama rayn-raynta farxadeed uu geliyay, marka Aadan-Madoobe habeenkaas wuu qarsaan waayay xanuunkii…. Bal marka adigu malee danbi intee la eg baa galay shacabka codkiisii sidaas loogu ciyaarayo?! …

 

Kaalinta Kenya meelo badan baa la oran karaa niyad sami bay muujisay, waxaa arrin wanaagsan ahayd in habeenimmadii la doortay SHariif Xasan maalinimmadii xigtay uu qaabbilaad u sameeyay guddoomiyihii barlamanka Kenya ee xilligaas Francis ole Kaparo, waxaana laysugu tegay meel baraxad ah oo cagaaran oo beer uu barlamanka Kenya lahaa, waxaa qaabiladdaas ka soo qayb galay oo isagana lagu marti qaaday madax-weyne ku xigeenkii xilligaas  Moody Awori, waxaa iyadana mudnaanteeda lahayd in qaabilaaddaas ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnihii dowladda Kenya ku jiray oo ay ka mid ahayeen Yuusuf Xaaji iyo Xuseen Macallin.

 

Qaabilaaddaas ayaa waxaa guddoomiyihii cusbaa SHariif Xasan iyo xil-dhibaannadii kalaba waxaa lagu marti qaaday cunto iyo cabbitaan fudud, Af-hayeenkii barlamanka Kenya iyo SHariif Xasan SHiikh iyagu  si gooni ah bay isaga sheekeysanayeen waxaana wehliyay Mowliid Macaane oo u kala turjumayay, dhowr jeer oo an ku lug darsady iyadoo uu sheekaynayo Ole Kaparo wuxuu SHariif Xasan ku waaniyay inuu isu arko inuu yahay codkii shacabka, inuu saxo dowladda, inuusan dhex gelin siyaasadaha mucaaradka iyo muxaafadka, wuxuuna ka codsaday inuu diyaar u yahay haddii uu talo uga baahdo mararka ay arrimo la soo gudboonnaddan, iyo waliba inay ku faraxsanaan lahaayeen inay taba baraan xil-dhibaannada, hasa ahaatee inta la ogyahay arrimahaas midna ma dhaqan gelin…

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXIV) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>