Garowe-(Puntlandpost)-Xidiga sida weyn ula xifaaltama Lionel Messi ee Cristiano Ronaldo ayaa si qiiro leh uga hadlay guuldaradii markale xulka Argentina kasoo gaartay dhigooda Chile iyo go’aankii uu Messi ka qaatay xulkiisa qaranka ee Albieclest.
Cristiano oo xifaaltan soo jiitamayay 10 sano ka badan uu kala dhexeeyo Lionel Messi ayaa saxaafada u sheegay “Waan ka xumahay waxa ku dhacay Leo, wey i dhibeysaa inaan arko isagoo ooyonaya, waan dareemi karaa waxa ka dhacay sababtoo ah ma uusan baran guuldaro iyo xanuunka ay leedahay inaad ku dhameysato, wxuu qaatay go’aan degdeg ah laakin waxaan filayaa inuu go’aankaas ka laaban doono sababtoo ah qaranka isagoo ayuu u baahan yahay”.
Cristiano ayaa sidoo kale markale ku celiyay inuusan u dabaal degin guushii ay xulkisa dirqiga kaga gaareen xulka Croatia wuxuuna sheegay “Waxaan gaarnay guul muhiim ah laakin ma aanan dabaal degi karin sababtoo ah waxaa garoonka ku dhex ooynayay walaalkey Luka waajib ayeeyna igu tahay inaan dajiyo isaga”.
Hadalka uu Ronaldo ka yiri dhigiisa Messi oo ay kubada si waliba ugu xifaaltamaan iyo kan uu ka yiri Luka Modric ayaa noqday kuwo uu ku muteystay taageero iyadoo ay saxaafada yurub ku tilmaameen “Ninka wanaagsan” ama “Good man Cristiano”.
PUNTLAND POST
The post Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yiri Go’aankii Uu Messi Kaga Fariista Wadankiisa Iyo Oo Hinti Leo Kadib Guuldaradii Chile ? appeared first on Puntland Post.