Markii ugu horeysay ee kulankii u horeeyay uu isugu yimid barlamanka September21,2004, ayaa wixii u horeeyay ee la qabtay ay hayd in Aadan-Madoobe la siiyay inuuu hadlo, iyadoo uu shirka gudoominayo Af-hayeenka la soo doortay, SHariif Xasan SHiikh Aadan, wuxuu Aadan–Madoobe shirka soo hor joogsaday isagoo ilko cadyniya, wuxuuna si kooban oo aad u urursan raali gelin uga bixiyay hadalkiisii uu ku diiday in lagaga adkaaday tartankii uu u galay Af-hayeenka barlamanka, si aad u fudud buuna u sheegay inuu oggolaaday natiijadii looga adkaaday!…isla markiiba sacab baa meel kasta is qabsaday, oo maxaa lagu sacbiyay?! Aadan-Madoobe muxuu isu bedelay?! ……waxaasoo dhan Aaadan-Madoobe ma sababayn sababta uu go’aankiisa uga noqday, wali wax kasta oo uu Adan-Madoobe diidanaa sidoodii bay ahayeen,maxaa is-bedelay?
Marka ay sidan oo kale dhacdo oo inta mid qabqablayaasha ama siyaasiyiinta ka mid ah intuuu shirka ka caroodo ama wax diido oo uu ka noqdo waa marka keliya ee la dareemi karo faro gelin shisheeye ay shirka saamayn ku leedahay, Cabd-Ul-Qaasim labo jeer buu shirka ka baxay, hadana waxaa shirka ku soo celiyay dowladaha carabta, Aadan-Madoobe markii uu soo noqday markiiba waxaa banaanka u soo baxay inay la soo hadleen erggedii ka socotay Itoobiya, waa meelahaas oo klae marka ay macno yeelanayso ama ay muuqanayso saamaynta far gelinta shisheeyuhu shirka ku leeyihiin. Maalinkaas waxaa hadaiyad guddoonsiiya SHariif Xasan SHiikh ergeygii Itoobiya shirka u fadhiyay Cabd-Ul-Caziiz Axmed Aadan, hadiyad ahayd dubbihii uu miiska ku garaaci lahaa marka uu guddomiyuhu shirarka guddoominayo, waxaase xoogaa xiisa ah lahaa in dubbahaas lagu soo asteeyay Calankii Soomaaliya oo xiddigtii shanta geesood lahayd ay ku suntantahay…
Waxaa la doortay guddoomiye ku-xigeennadii Af-hayeenka barlamanka, waxaana bilowday olole hor leh oo loogu diyaar garoobayo doorashadii Madax-weynaha, waxaa xusid mudan in tirada isu soo rashaxday madax-weynenimmada sanadkaas ay gaaraysay ku dhowaad ilaa 48 qof ama ay dhici karto sida mararka qaarkood tirada la gaarsiinayay ilaa 53 qof, waxaa lays weydiin karaa maxay intaas oo dhan madax-weynenimmada isugu soo rashaxeen?….waa yaab! waxaase shaki la’aan ah inay suuro gal ahayd in qof iyaga ka mid ah la doorto, maxaa yeelay kuwa wax dooranaya laftooda, waa xil-dhibaannadee ma ahayn dad ay u diyaarsanayd shuruudo iyo qaab gaar ah oo ay qofka ay dooranayaan ay tahay inuu uga duwannado kuwa kale ee la tartamay, sidaas daraadeed qof kasta waa is rashixi karay!….
Haddii aad fiirisid SHariif Xasan SHiikh Aadan oo loo doortay guddoomiyhii barlamanka ma ahayn nin aqoon fiican loo lahaa, waa sax sababo kale oo caawiyay baa jiray oo salka ku hayay heshiis ay soo wada galeen isaga iyo qabqablayaashii Muqdisho ka soo jeeday, sida aan la wada arkayayna iyagaa dadka ka gaday, iyagaa shirka dhexdiisa uga ololeeyay, marka arrin adag ma ahayn in qof la yaqaan iyo qof aan la aqoon labaduba isa soo rashaxaan.
Waxaa iyadana jirtay in tuhun weyn ay qabeen erggeda asalka ahayd iyo qabqablayaashii shirka fadhiyay waxayna tuhunsanaayeen in dadka dibadaha ka yimid ee rashan ay taageero ka haysteen dalalka ay ka yimaadeen, sidaas daraadeed erggedii asalka ahayd iyo qabqablayaashii waxay u midoobeen sidii ay u soo saari lahaayeen nin iyaga ka mid ah, arrintuna waxay u arkayeen badankood in dadka dibadda ka yimid ay yihiin shir-qool qarsoon oo dibadaha laga soo mareegay, oo xataa waxaa dhacday in Max’ed Cumar Xabeeb uu mar si bareer ah u cadeeyay inaysan yeelayn in dadka dibadaha ka yimid ay madax-weyne noqdaan.
Markii la doortay gudoomiye ku xigeennadii barlamanku wuxuu galay fasax ay codsadeen xubnihii madax-weynenimada u tartamayay, waxaana laysku raacay in bisha Oktoober 10, 2004, ay noqoto maalinta doorashada madax-weynaha, maalmaha 5aad,6aad, iyo 7aadna ay noqdaan maalmaha ay murashaxiinta madax-weynaha barlamanka hortiisa ka jeedinayaan nin kasta barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu dalka ku hoggamiyo, waxaana lagu soo rogay shrdi ah in ninkii u tartamaya xilka madax-weynenimmada uu bixiyo lacag gaaraysa 2kun oo dollar, taasoo loogu talo galay in lagu xaddido dadka tirade badan ee isa soo rashaxay .
Waxaa bilowday olole aad xawli ugu socda oo si dhib yar indhuhu u qaban karaan, hotelladii oo dhan waxay noqdeen meelo ay buux dhaafiyeen erggooyinkii Soomaaliyeed iyo kuwii shisheeyaha ahaa, waxaana bilowdayin taageerayaal faro badan ay Nairobi soo gaaran iyo waliba in murashaxiintii qaarkood dalal kale u dhoofaan iyagoo raadinaya dhaqaalihii ay ku ololeyn lahaayeen ama ay dorashada ku geli lahaayeen….ololaha doorashada madax-weynenimmad oo intii shirka laysug yimidba ahaa mid soo socday ayaa hadana laba lixaadsaday oo gaaray heerar Soomaalidii Nairobi deggenayd ay dariiqyada uga sheekeysto.
Hotel-ada ay deggenyihiin dadka murashaxiinta ah waxaa la arkayay in taageerayaal badan ay soo gaarayeen, waxaana aad u batay tuhunka laga qabo ergooyinka shisheeyaha ah saamaynta ay ku yeelan karaana doorshada madax-weynenimmada, waxaa sidoo kale qabqablayaasha iyo siyaasiyiinta aan ka midka ahayn ay il gaar ku eegayeen dhaqdhaqaaqa xubnaha bulshada rayadka, waxyaabahaas oo dhan oo jira hadana mar keliya caddeyn la xiriirta arrimaha la tuhunsanyahay oo soo baxday ma jirin….koox kastana waxay far muqaysay erggrda shisheeyaha ah ee aysan xiriirka la lahayn iyadoo uga shakisan inay koox kale gacan siinayso.
Beri la soco.
PUNTLAND POST
The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXV) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.