Garowe-(Puntlandpost)- Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in Duqeymo xoogan ay ka wadaan Degaano hoostaga Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Degaanada ay Diyaaradaha Kenya duqeymaha ka wadaan ayaa la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Degmada Baladxaawo ayaa kaabiga ku heysa Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Duqeyntan ay daba socotaa weerar xoogan oo Xarakada Al Shabaab ay Shalay ku qaadeen Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.
Weli si rasmi ah looma shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkan duqeynta maadaama weli uu ka socda Degaano hoostaga Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa bam gacmeed ku weeraray Hooyga Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Garbhaareey ee Gobolka Gedo.
Weerarkaasi bam gacmeedka ahaa ayaa waxaa ku dhaawacmay 1 Ruux waxaana mas’uulka hooygiisa la weerarary magaciisa lagu sheegay Xasan Garbahaareey.
Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubaland ayaa Saaka howlgallo kala duwan waxey ka wadaan Xaafadaha ku teedsan Degmada Garbahaareey oo Xalay uu ka dhacay Qaraxu.
Kayse Muse Ali
Puntland post
Garowe
The post Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqaymo Ka Wada Deegaano Ka Tirsan G/Gedo. appeared first on Puntland Post.