Intii uu shirka socday erggedii Soomaaliyeed ee shirka joogtay wax badan baa ka bedelmay, waxaa caadi iska noqotay inaan wixii xumaa laga xishoon, marar badan waxay indhahaagu qabanayeen wax aan ku fiicnayn dhaqanka Islaamka iyo mujtamac muslim ah. Waxaa yaab lahaa sida looga tegay in waxa xun laga faano, qof kasta oo aad la sheekaysato wuxuu u ciil qabay inuu shirka dhexdiisa xoolo ka tabco, kaaga daranee shaqada uu rabo inuu xoolo ka tabco waa laaluusha iyo war u geeyo erggeda shisheeyaha ah oo keliya, markaasaa kaga daranee erggeda inteeda kale aysan ku ceebeynayn oo uu soo dhex fariisanayaa iyagoo sidaas ku ogsoon oo waliba lala sheekaysanayaa oo talo la weydiinayaa.
Waxaan jirtay in markii laga doodayay afafka rasmiga dalka ka noqonaya iyo sida ay mudnaanta u kala yeelanayaan in qaar ka mid ah erggeda ay soo jeediyeen in marka laga soo tago Afka Soomaaliga iyo Afka carabiga oo iyaga loo aqoonsaday afafka rasmiga ee Soomaaliya in afka Ingiriiska uu noqdo afka wax lagu baranayo oo jaamacada iyo dugsiyada lagu dhiganay, hasa yeeshee dhowr nin o ka mid ah erggeda ayaa si aad u adag uga hor yimid iyagoo ku dooadaya in Af Talyaaniga laga dhigo afka wax lagu baranayo, waxayna ku sababeeyeen in markii horaba jaamacada Soomaaliya wax looga baranayay Afk Talyaaniga buugaagtalaga bartana (Text Book)ay ardaydu lacag la’aan uga immaan jireen dalka Talyaaniga, laakiin haddii aan Ingiriis ka dhigno wax barashada buugaataas in la soo gato ayeey noqonaysaa ardaydana qaali bay ku noqonaysaa!…….
Dooddaas in xoogaa ah bay jiitantay, dhowrkii qof ee u ololeyniyay in Afk Talyaaniga wax lagu bartana ay hari waayeen, laakiin mar dambe ayaa nin erggeda ka mid ah oo aan rabin la ogaado ii sheegay in dhibaatada haysata shirka ay tahay in erggeda badankood ay erggeda shisheeyaha ah ee shirka fadhisa qoysaskooda u weydiiyaan Dal-Ku-Gal (Visas) si qoysaskooda dalalkaas loogu dejiyo, sidaas daraadeedna ay dad badan oo erggeda shirka fadhisa ka mid ah ay noqdeen kuwa laynoo soo maro mar kasta oo dano gurracan laynaga leeyahay. Waxaa kaloo uu iishagay inay jiraan niman erggeda ka mid ah oo iyagana safaaradaha dalalka shisheeyaha Dal-Ku-Galkooda qaxootiga ka iibiya oo iyagan laynoo soo maro…..Marka erggeda shisheeyaha ah ee shirka joogta iyo erggeda Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya arrimo badan oo suuq-madow ah, labada dhinac wax ceeb ah ma jirin!….
DHinaca kale waxaa jiray dowlado malaha sugaayay in la yiraahdo shirkii waa burburay oo waxba kama soo bixin, dan kastaba ha ka lahaadaanee, waaxaa iyadana inay taas dhacdo ka taxadarayay dowladda Kenya oo waliba sanad iyo barkii u horeeyay shirka waxaa hoggaamianayay waziirkii hore ee arrimha adibadda ee Kenya Kalonzo Musyoka, oo isagu runtii si aad ah ugu dadaalay in shirkaas natiijo fiican uu ku dhammado, waxaana had iyo goor la arkayay isaga uu dhex taagnaa hadba meeshii ay koox Soomaali ah ku shirayso, wuxuu marar badan erggeda dalalka shisheeyaha ah uu si cad ugu sheegay inaysan si gaar ah ula shiri karin qabqable ama hoggaamiye siyaasadeed markii ay soo baxeen shaki laga qabo ama la far muqay erggeda shisheeyaha ah qaarkood… waxaa isagana dadaal kaas oo klae ah uu ka muuqday Bathuel Kiplagat oo isaguna ahaa ruug caddaa muddo dheer soo shaqayniyay kuna soo dhex jiray diplomat-siyadda iyo sir-doonka Kenya.
Waxaase xoogaa is diidayay dadaalka ay nimankaas muujinayaan iyo musuqmaasuqa aan marna la hor joogsanayn ee lagu kala gadanayay cododka xil-dhibaannada, waa run oo kaalintaas waxaa gabay ceebteeda iyo sharf xummadeedana qaatay raggii huwaana magaca xil-dhibaanimmada oo iyagu si cad ugu soo tafo xaytay in la qaato wax kasta oo ay gacantaadu gaarto, muraashaxiinta iyagu waxaa la dhihi karaa inay xil-dhibaannada laaluushaan waxay ku noqotay shuruud ka mid ah shuruudaha ay codka ku heli karaa!…..ilaa iyo maanta wali dhaawcaas sharaf dhaca ah Xil-dhibaannada Soomaaliyeed kama harin….
Waxaa jiray in nin kasta oo murashaxiinta ka mid ahaa oo tartanka soo galay uu ahaa nin ay ka dambaysay dowlad shisheeye ah, murashaxiinta iskaood u socday (Independent Candidates) qaar ka mid ah waxay meelo badan ka sheegeen in murashaxiinta ka soo jeeday Qabqablayaasha ama hoggaamiyeyaashii siyaasadda ay badankood ku tiirsanaayeen dowlado shisheeye, waxaan inta badan carabka lagu dhuftay dalalka Itoobiya, Talyaanig, Sacuudiga, iyo Djibouti. Haddii ay arrintaas jirtay iyo haddii klaba waxaa taas ka hor imaanayay walwalka iyo kalsooni darrida dhammaan murashaxiinta ka muuqatay oo ay ka sinnaayeen…
Intii lagu soo qulqulayay goobta doorashada ay ka dhacayso waxaa iyaga oo aan is ogeyn kolba mid ii yimid murashaxiintii ugu waaweynaa ee lagu tuhunsanaa in dalal shisheeye ay wataan, oo ay dhammaantood I weydiiyeen hal weydiin oo isku mid ah oo ku tusaysa inuusan jirin ama uusan jiri karayn nin haysta cod uu isku hubo. Waxayba ahayd arrin iska cad oo taas ma ahayn mid dhici karaysa, bal adigu ka warn waan qof kasta hal cod buuleeyahay dhowr murashaxna gacantuu soo mariyay!…..”Adeerow maxaad maqasheen oo suuqa ku jira, waan wareersannahay, yaad u malaynaysaa ama aad is leedahay waa la hada hayaa oo inuu soo baxo baa dhici karta?!” bay I weydiinayeen….
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXVII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.