Baydhabo-(Puntland Post) Afar ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday in badan 15 kalana way ku dhaawacmeen madaafiic saaka aroortii Al-Shabaab ay ku garaaceen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Dadkaan geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa Madaaficdu waxa ay ugu tagtay guryahooda.
Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdaasi qaarkood ay ku dhaceen Xaafadaha ay ku yaalla Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale iyo Hay’adda UNDP.
Dadka dhaawacyada qaba ayaa la jiifiyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo
Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa aad uga argagaxay madaafiicdan saaka aroortii lagu garaacay Magaalada.
PUNTLAND POST
The post Madaafiic khasaaro geysatay oo lagu garaacay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.