Roox: (pp)- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf (Tigey) ayaa booqasho ku tagey deegaanka beeraha ee la yiraahdo roox oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoona uu sheegey gudoomiyuhu inay booqashadiisan tahay mid ku saleysan dhiiri galinta beeraleyda ku howlan wax soo saarka kheyraadka dalka.
Maxamed Yuusuf Jaama Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegey in uu dirayo baaq uu u jeedinayo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku aadan ka qeyb qaadashada horumarka Puntland si loo gaaro baraaro iyo barwaaqo buuxda.
Hanaanka Dowladnimo ee uu muujiyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaama ayuu Madaxweynaha Puntland Dr C.raxman Faroole u magacaabey Xafiiska maamulka gobolka Taariikhdu markey ahayd Aug 24, 2011, Waxaana laga dareemey gobolka mudug isbedel balaaran oo aan horey loogu arki jirin marka laga eego dhanka haykalka dowladnimo ee gobolka, Amaanka, Horumarka iyo Isku xirnaanta Dowlada iyo Shacabka .
Mr Tigey waxa sida ka muuqaneysa howl maalmeedkiisa shaqo uu u qeybsan yahay dhinacyo kala duwan oo la oran karo waa talaabo mudan inay kaga deydaan maamulada gobolada Puntland iyo Somalia, kuwaas oo qaabka ay u howl galaan mid ka bedelan uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland uu kusoo kordhiyey xafiiskiisa ee dowladnimo.
Sida idinka muuqaneysa sawirada muuqaalka ah Tigey waxa ka muuqaneysa fur furnaan iyo dabeecad macaan oo uu had iyo goor bulshada maamulkiisu wax kula qeybsado, waxayna taasi ka markhaati kaceysaa in uu yahay gudoomiyahani wadani ku qanacsan shaqada maamul ee wadankiisa, marka loo eego taariikhda maamuladii soo marey gobolka Mudug.
Ka hor intii aan la magacaabey Tigey iyo laamaha kale ee Maamulka Gobolka Mudug ee Puntlnd waxaa gobolka ka jiray arrimo ay ka mid yihiin, Amaan xumo, sida Dilal qorsheysan , Qaraxyo, Burcad badeed iyo Dagaalo qaba,iil oo kusoo noq noqdey gobolka, walow arrimahaas oo dhan aan la oran karin waa kuwo istaagey intii uu shaqada hayey , balse uu jiro isbedel dhaama midkii hore oo ay kusoo kordhiyeen maamulka gobolka iyo laamaha amniga Punland.
Puntlandpost oo diirada ku saareysa mowduucan ayaa bulshada ugu soo gudbineysa qaabka qurxoon ee sawirada uga muuqanayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ka dib booqashadiisii uu ku tagey 27 May maalintii isniinta deegaanka beeraha caanka ku ah ee Roox oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Muuqaalka Sawiradani ma ahan kuwo ka turjumaya kuwii ugu horeeyey ee Gudoomiyaha Mudug ku muujiyo dareen dadka farxad galiya , waxaa horey warbaahintu u baahisey muuqaalo kala duwan gudoomiyuhu uu ku dhex mushaaxayo bulshada miyaga ku nool, wuxuuna tigey jecel yahay sida ka muuqata mar walba sawiradiisa kolka uu booqanayo dhulka miyiga in uu ku labisto dareeska hidaha iyo dhaqanka ee Somalida , waxayna taasi farxad galineysaa dadka reer guuraagaa oo inta badan qaabkan u labista kuwaas oo uu kasoo jeedo dhaqanka Somalida.
Tigey wuxuu noqonayaa Masuulkii ugu horeeyey ee Puntland iyo Somaliba intii burburka ka danbeysay oo si cad ugu faana xirashada dareeska hidaha iyo dhaqanka, kolka uu safaro ku gaaro dhulka miyiga ee xoolo dhaqatadu ku nool yihiin, waana mid calaamad u noqoneysa jeceylka wadankaaga hooyo
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Roox – Bacaadweyn