Ururka isku magacaabay dawladda Islaamkaee ISIL ayaa sheegtay masuuliya qaraxa koobaad, oo ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Karada ee bartamaha caasimadda, halkaasi oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan.
Ka dib waxa uu qarax labaad ka dhacay waqooyiga caasimadda, qaraxyadan ayaa la eegtay dad wax iibsanayay oo isu diyaarinayay maalina Ciida.
Qaraxyadan oo ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Baqdaad ka dhaca sanadkan, ayaa kusoo beegmaya ayadoo todobaadkii hore ay ciidanka Ciraaq magaalada Fallujah xoog uga qabsadeen xooggaga dawladda Islaamka ee ISIL.
PUNTLAND POST
The post Qaraxyo ay ku Dhinteen 80 Qof oo ka Dhacay Baqdaad appeared first on Puntland Post.