Garowe-(Puntlandpost)-Wasarada cadaalada arimaha diinta iyo dhaqan celinta dowlada puntland ayaa garowe ku soo gaba gabaysay afursiinta kun qoys waxayna 70,kii qoys ee ugu dambeeyay manta gudaha wasarada ku gudoonsiisay deeq isugu jirta Bur.Baris,Sonkor,Caleen,Timir iyo Saliid kuwaas oo ay wasaradu ugu talagashay inay ku afuraan inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee rabadaan.
Daddka looqaybiyay deeqda raashinka ah ayaa ahaa daddkii yamaniyiinta ahaa ee ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay dalka yaman waxaana deeqda bixinaysa haayada khayriga ah ee cuman.
Qaarkamida todobaatankii qoys ee wasaradu u qaybisay raashinka ayaa u mahadceliyay madaxada wasarada cadaalada puntland iyo haayada khayriga ah ee cumaan waxyna sheegeen inay ka farxiyeen ilaahayna uga baryayaan deeqdaan ay soo gaarsiiyeen inuu ugu badalo wax ka khayr badan.
Wasarada cadaalada arimaha diinta iyo dhaqan celinta dowlada puntland Salax xabiib jamac ayaa sheegay in todobaatankan qoys ee manta loo qaybiyay deeqda raashinka ah ay ka mid yihiin kun qoys oo ay wasaardu u qaybinaysay deeq waxaana uu sheegay wasiirku inay kunka qoys ee ay deeqda u qaybiyeen isugu jireen maxaabiis iyo dadd danyar ah oo ka soo barakacay qaybo kamida yamaniyiintii ka soo qaxay dalka yaman.
Wasiir salax ayaa u mahadceliyay masuuuliyiinta haayada khayriga ah ee cuman waxaana uu sheegay in wasaaradu masuuul uga ahayd haayada inay ogaato in sidii loogu talagalay afursiintu u gaarto qoysakii ay haayadu ugu tala gashay.
Haayada khayriga ah ee cumaan oo ah haayad laga leeyahay dalka cumaan ayaa sanad walba marka la gaaro bisha barakaysan ee rabadaan waxy afursiin u samaysaa Lix kun oo qoys kuwaas oo kukala sugan magaalooyinka garowe,gaalkacyo,qardho iyo bosaso.
Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe
The post Wasaarada Cadaalada Puntland oo soo gabagabaysay Afur siinta kun Qoys oo ku nool Garowe appeared first on Puntland Post.