Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha dawladda Puntland oo kormeeray dhismayaal ay dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 4-July-2016 kormeer indho indhayn ah kusoo maray dhammaan xarumihii ay dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacyo  oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Madaxtooyada Cusub, Dhismaha Suuqqa Cusub ee Xero dayax, dhismaha Bangiga, dhismayaasha Wasaaradaha Hawlaha Guud, Maaliyadda, iyo Kalluumaysiga, dhismaha xarunta hay’adda waddooyinka, dhismaha Maktabadda (Library)  iyo saldhigga bartamaha ee magaalada Gaalkacyo.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey xubnaha guddiga soocelinta bilicda magaalada Gaalkacyo iyo maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo oo warbixino ka siinayey Madaxweynaha natiijadii kasoo baxday tallaabadii ay dawladdu qaaday oo hantida dawladda ee gacmaha shacbka gashay dib loogu soo celinayey gacanta dawladda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhexgalay oo qof-qof u waraystay ganacsatadii ku ganacsanaysey suuqqa cusub ee dawladdu ay ka dhistay Xero Dayax, waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu dhex-galay ganacsatada khudaarta ku  iibiya suuqqa xero dayax waxaana uu ka waraystay is beddelka ku yimi suuqqa xilligii hore iyo hadda oo ay dawladdu u dhistay suuq aad u ballaaran.

Dhammaan dadweynihii ku sugnaa suuqqa xero dayax ayaa siweyn usoo dhoweeyey Madaxweyanaha waxaanay uga mahadceliyeen tallaabooyinka ay dawladda u qaaday soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo oo laga dhaxlay horumarro aad u ballaaran oo ay ugu horrayso koboca dhaqaalahu.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa amray in la dar-dargeliyo dhammaystirka  dhammaan dhismayaasha qabyada ah muddo kooban gudeheed si bulshada loogu adeego xarumahaasi.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_8396 IMG_8402 IMG_8405 IMG_8407 IMG_8409 IMG_8412 IMG_8413 IMG_8414 IMG_8420 IMG_8425 IMG_8426 IMG_8427 IMG_8436 IMG_8437 IMG_8441 IMG_8451 IMG_8454 IMG_8460 IMG_8469 IMG_8475 IMG_8477 IMG_8480 IMG_8481 IMG_8482 IMG_8484 IMG_8498 IMG_8500 IMG_8507 IMG_8508 IMG_8511 IMG_8512 IMG_8516 IMG_8519 IMG_8524 IMG_8531 IMG_8534 IMG_8535 IMG_8539 IMG_8548 IMG_8550 IMG_8552 IMG_8554 IMG_8556 IMG_8557 IMG_8558 IMG_8559 IMG_8564 IMG_8567 IMG_8570 IMG_8573 IMG_8575 IMG_8577 IMG_8578 IMG_8580 IMG_8585 IMG_8588 IMG_8592 IMG_8594 IMG_8597 IMG_8602 IMG_8603 IMG_8607 IMG_8609 IMG_8612 IMG_8614 IMG_8611

The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo kormeeray dhismayaal ay dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>