Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in Qaxootiga Siiriyaanka ah ee ku sugan Gudaha Turkiga la siin doono dhalashada Turkiga.
Erdogan ayaa hadalkan kaga dhawaaqay gobolka Kilil oo ku yaalla xadka Turkigu la wadaago Siiriya halkaas oo uu munaasabad Afur ah kula qaatay Qaxooti Siiyiraan Ah, waxana gobolkan ku sugan 120,000 oo qof oo Suuriyaan Ah.
Madaxweynaha Erdogan ayaa u sheegay Dadka Qaxoootiga ah uu la kulmay in Dalka Turkigu yahay Waddankoodii islamarkaana ay ku nool yihiin Guryahoodii.
Lakiin Erdogan Faahfaahin dheeraad kama uu san bixin in dhammaan Qaxootiga Suuriyaanka ah ay codsankaraan Dhalashada Iyo weliba qaabaabka loo marayo qaadashadeeda laakiin waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha guduhu Arrinkaasi faahfaahin ka bixin doono.
In kabadan 2.7 million oo suuriyaan ah ayaa hadda Qaxooti ahaan u jooga DalkaTurkiga
Waxana qaybo ka mid ah dadkaasi ay ka shaqaytaan gudaha Turkiga , iyadoo hore Turkigu u sheegay in aan dadka siiriyaan ah loogu yeedhi Karin Qaxooti Balse ay yihiin Marti.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Erdogan oo Sheegay In Qaxootiga Suuriya La Siin Doono Dhalashada Turkiga appeared first on Puntland Post.