Sideedaba waxaa arrin aad looga xummaada ah, siyaasiga Soomaaliyeed ?! Aaaah! ma wada dhihi karo siyaasiyiinta oo dhan, laakiin wax yar baa ka soo haraya, runtii aad bay u yaryihiin siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee marka ay timaado inay u gudboonaadaan barnaamijkiisa siyaasadeed iyo danaha dalka ay suuro gal tahay inuu tuuro barnaamijkiisa, taasi marka waxay cadayn u tahay in barnaamijka siyaasiga uusan marka horaba ahayn maamul siyaasad dal iyo dad, taasi macnaheedu waxaa weeye in siyaasiga Soomaaliyeed barnaamijkii siyaasadeed uusan ahayn mid loogu adeegayo danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed!…..
Aalaaba haddii aad fiiriso dhaqanka siyaasiga Soomaaliyeed waxaa kuu soo baxaysa inuu naftiisa siyaasi u yahay laakin uusan jirin barnaamij uu diyaariyay oo uu ku talo galay inuu ummad iyo dal ku maamulo, marka taasi waxay keenaysaa inaysan jirin waxyaabo ay wadaagaan siyaasiyiinta haddii ay doonaanba meelo ha ku kala duwanaadaanee, laakiin dhaqanka siyaasiga Soomaaliyeed ee ah inuu isaga siyaasi isu yahay waxay keentay in la waayo meel laysku waafaqo oo danta guud ee ummaddu wadaagto ay fikradaha siyaasiyiinta isugu yimmaadaan…oo side bay wax ku badbaadayaan kolka?! Hadiiba nin kasta ay tiisa u gaar tahay side baa….
Xukuumaddii la dhisay 01December, 2004, lana soo dhameystiray 06 December2004, waxaa isla markiiba ka hor yimid mowjad aad u xoog badan oo diidma ah,waxayna ahayd arrin la filayay, waayo labada jeerba af-hayeenka SHariif Xasan munaasabadahaas kama soo qayb gelin.Arrintu waxay noqotay xil-dhibaannadii xukuumadda soo galay mooyee xil-dhibaannada intoodii kale hal iyo labo mooyee inay ka soo hor jeesteen xukuumaddii la soo dhisay….oo ma waxay rabeen in 275 waziir ay noqdaan?!….waa hagaag, waxaaba la oran karaawaa ay diidi karaan, laakiin bal adigu ka waran ninka waziirka loo dhaariyay ee qaatay ee hadana raba in xukuumaddii la rido!….wax qarsoonaa ma jirin, waxa laysku wada haystayna waxay ahayd dano gaar ah ama dano shaksiyadeed…..marka aad jawaab macquul ah wayso ama aad fahmi wayso waxa ay siyaasiyiinta isku haystaan, keliya waxa ay noqonaysaa jawaabta aad isku qancin karayso in beelo wax lagu qaybsaday…..
Labo maalin ka dib maalintii uu ra’iisal wazaaraha cusub ku dhawaaqay xukuummadda, Dcember 08, 2004, ayaa xil-dhibaannadii ay u qaadeen codkii kalsoonida oo xataa ma aysan sugin inta laga hor keenayo oo codka kalsoonida loo weydiinayo. Maalinkaas, waxaa kulankaas ka dhacay gacan qaadkii u horeeyay, waxaana look ala baxay xil-dhibaano caraysan oo aan lagu darin xukuumaddii la soo dhisay iyo xubnihii xukuumadda ku jiray, waxaana dhaawacyo fudud ay soo gaareen oo loo qaaday isbitaalka dhowr qof oo isugu jiray waziirrada iyo xil-dhibaannada, waxaana la riday ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi iyo xukuumadii uu soo dhisay….
Maalintaas sidii loo qaybsamay bay dowladdii dhamayd ee la soo dhisay u kala degtay. Markii uu shirkii dhamaaday baa isla markiiba waxaa I soo wacay sarkaal la shaqayniyay madax-weyne CabdUllaahi Yuusuf, isagoo waliba ay la joogaan madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, wuxuuna in qaddar igala sheekaystay siday wax u dhaceen, markaasuu wuxuu I weydiiyay ” Adeer waxaa laynoo soo sheegay in SHariif Xasan SHiikh in la garaax xubnaha xukuumadda oo dagaalku uu sidaas ku bilowday, marka annagoo kuugu kalsoon, maxaad innoga sheegi karaysaa arrintaas?” runtii ula yaabay weydiinta sarkaalka, anigoo is laeh haddaad jawaabta u hor mariso intaadan taladaada u sheegin buu telefoonka dhigi karaa baan waxaan u hor mariyay taladayda “Ninyahow Cali Max’ed Geeddi iyo xukuumaddiisii waa la riday qaynuun ahaan sida aan u arkayay way dhaceen oo aqlabiyad aad u weyn baa lagu riday, marka madax-weynaha haddi Geeddi rabo mar kale wuu soo magacaabi karaa laakiin hadda wuu dhacay waana inaad oggolaataan, hadalka SHariif Xasan laydinka sheegay haddee anigu wixi uu dad kula soo faqay waxba kama sheegi karo, laakiin warkaas iyo wax u eg golaha kama uusan dhihin!”…mar dambe ayaa waxaan ogaaday in niman xil-dhibaannada ka mid ay warkaas beenta ah u geeyeen madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha…
Wax kasta sheeg, laakiin mas’uul been sheegaya, oo waliba hawlihii hay’adaha dowladda ka dheexeeyay iyo xiriirkoodii been ka sheegaya!….lama eryi karo, lama xiri karo, waayo beel buu u joogaa?! Mar kasta isagu waa saxanyahay, waa fiicanyahay! Qaynuunka iyo xeerarka ummadda waxaa ka weyn inuu magac beeleed ku joogo, siyaasi ku yahay! Waxaa lagu ammaani karaa madax-weynihii iyo ra’iisal wazaarihii inaysan murmin, go’aankii xil-dhibaannada oggolaadeen iyagoon wax dood ah ka keenin, isla markaasna mar labaad la soo magacaabay Cali Max’ed Geedii isla December 13, 2004, isla mar ahaantaasna ay xil-dhibaannadii codkii kalsoonida siiyeen.
Gacan qaadkii iyo feerkii maalintaas dhacay waxaa u sabab ahaa in markii u horeysay laysku qabsaday in mooshinka xukuumadda ka dhanaka waqti la siiyo xil-dhibaannada ay ku soo darsaan sidaads waxaa qabay xubnihii xil-dhibaannada ka midka ahaa oo waziirada noqday halka ay xil-dhibaannada aan waziirrada noqon ay ku doodayeen in isla maalintaas mooshinka loo codeeyo, waxaa taas ka darnaa oo is qab-qabsigu ka dhashay markii doodaha mooshinka la jeedinayay oo xil-dhibaannadii waziirrada ahaa ay dareemeen in iyag la qorayn oo aan hadalka la siinayn markaas oo ay bilaabeen inay soo kaakacaan oo ay buuqaan. Waxaa markaas soo baxay koox xil-dhibaannada aan waziirrada noqon ka mid ah oo iyaga is adeejiyay oo raba inay xil-dhibaannada waziirrada ah ee soo oogsaday qasab ku fadhiisiyaan, markii dambana bilaabay inay si xoog ah uga saran goobta shirka…..
Wali way jirtay kala qaybsanaanta, war-xumo-tashiilka, waxaan intaas oo dhan ka sii daran wax kasta oo dhex mara siyaasiyiinta Soomaalida ee wax wada dhistay xataa khilaaf shakhsi ah haddii ay tahay ergooyinka shisheeyaha ah baa la gaarsiinayay, taasi waxay suuro gelisay in ergey shisheeyaha uusan wax xog ah uga baahnayn erggeda Soomaaliyeed, wuxuuna gaaray heer uu saadaliyo waxa uu ku fekerayo siyaasiga Soomaaliyeed. Waxaa iyadana bilaabatay oo malaha aqoon yarida xil-dhibaano badan keentay in labadii mas’uul ee wax isku qabata in yara tallada isku khilaafa ay qoraalo dacwooyin ah u qoraan safaaradaha jooga Nairobi….si kastaba ha ahaatee dowladdii labaad ee Cali Max’ed Geeddi uu soo dhisay waa la ansixiyay…..
Beri la soco….
Ciid Mubaarak, dhammaan dadka Soomaaliyeed ee soo soomay 30kii berri ee bishii barakaysnayd ee Rammadaanka waxaana Alle ka baryayaa inuu innaga wada aqbalo”Aammiin”
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXX) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.