Dowladda hoose ee degmadda Bosaso ayaa 180 qoys oo dadka danyarta ah ee ku nool xaafadaha magaaladda bosaso waxay u qaybisay dhar isugu jiray cusayb iyo mustacmal oo ay ku deeqeen dadkweynaha gobolka Hsinchu ee dalka Taiwan ee qaaradda Aasiya.
Duqa degmadda Bosaso Eng Yaasiin mire Maxamuud ayaa guddoonsiiyay qoysaska oo isugu jira bulshadda degaanka iyo dadka barakacayaasha ee ku nool hareeraha magaaladda bosaso, isagoo uga mahadnaqay dadkii ku deeqay dharkan
“dadweynaha gobolka Hsinchu ee dalka Taiwan oo ay wakiil u tahay shirkadda soomaaliyeed Ocian Organic seefood LTd oo waxay dowladda Hoose ee Bosaso ku wareejisay Dhar cusub iyo kuwo la isticmaalay oo runtii wax u taraya dadka masaakiinta ah ee danyarta” ayuu yiri duqa Degmadda Bosaso Eng Yaasiin, wuxuuna sii raaciyay
“Dadka ka faa’iidaysanaya dharkan waa 180 Qoys oo isuga jira dadka degaanka iyo dadka barakacayaasha ah eek u nool Bosaso, Qoys walbana waxaa la siiyay Hal jawaan” ayuu yiri
Duqa degmadda bosaso waxaa uu ku booriyay qoysaska nasiibka u helay deeqdan inay dib u iibsan oo suuqyada geynin, balse ay siiyay caruurtooda iyo dadka kale uu baahan, oo ay ka farxiyaan maalinta Ciida.
“Waxaa Maalmihii Ciida, waxaan rajaynayaa in qoys walba ay ku iidaan dharka la siiyay, waxaan kaloo rajaynayaa inaysan noqon shixnada dharka ee la na soo gaarsiiyay midi u dambaysay” ayuu yiri Eng Yaasiin Mire
Arrintu siday doonto ha ahaatee,intii lagu guda jiray bisha ramadaan ee Barakaysan, waxaa magaaladda bosaso laga qaybiyay raashin iyo waxyaabo kale oo daruuri ah, kuwasoo loogu talagalay dadka masaakiinta ah ee aan awoodin inays oo iibsadaan raashinka ay u baahan yihiin, hase yeeshee intoodii badnayd deeqahaasi waxaa qaata dad aan loogu talagalin.
PUNTLANDPOST.COM
The post Dowladda Hoose ee Bosaso oo ka Farxisay Qoysaska Danyarta ah ee Ku Nool Magaaladda. appeared first on Puntland Post.