Muqdisho-(Puntland Post) Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 8 qof.
Dadka dhaawacmay ayaa waxa ku jira ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda Soomaaliya.
Qarax ayaa la sheegayaa in uu ahaa Bam gacmeed lagu tuuray Suuqa Madiina ee degmada Wadajir waxaana loola danlahaa gaari marayay suuqa dhexdiisa xilli suuqa uu ahaa mid aad u mashquul badan oo dadka isu diyaar ciidul fitriga.
Majirto cid Dawladda ka tirsan oo wali ka hadashay Qaraxan ,iyadoo aanay ilaa hadda cidna sheegan mas’uuliyadda Qaraxan.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay maanta ugu danbayso bisha barakaysan ee ramadaan.
PUNTLAND POST
The post Qararx ay ku Dhaawacmeen 8 Qof oo ka Dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.