Muqdisho-(Puntland Post) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxii xalay ka dhacay magaalada barakeysan ee Madiinah al-Munawarah.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Somaliya ay si aada ugu xun tahay weerarkii lagu qaaday dalka Sacuudi Carabiya.
” Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliya iyo kan dadka Somaliyeed , waxaan si qoto dheer uga naxay ugana murugooday weerarkii argagixisinimo ee lagu qaaday dhulka barakaysan waxaan Murugada la qeybsanaynaa walaalaheena reer Sacuudi Carabiya. “ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalalka Muslimiinta ah iyo dunida inteeda kale ay muhiim tahay in ay u midoobaan xilligan xasaasiga ah oo kale si loo xakameeyo weerarada argagixisada.
Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in dalalka Islaamka bisha Barakaysan ee Ramadaan ay ka dhaceen weeraro badan oo ay geysteen argagixisada taasoo uu sheegay Madaxweyne Xasan in dad badan oo muslimiin ah ay dhibaato ka soo gaartay.
Qaraxa ka dhacay bannaanka hore ee masaajidka Nabiga (NNKH) ee Medina waxaa ku dhintay afar askari oo ka tirsanaa ciidanka amniga Sacuudiga, shan kalana way ku dhaawacmeen.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday dhulka Barakeysan appeared first on Puntland Post.