Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo si mideysan looga dabaaldegayo maalinta koowaad ee Ciidul fitriga

$
0
0

Magaalooyinka Puntlan ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida iney ku soo dhoweeyaan.

Madaxda dowlada Puntland  ayaa shacabka ugu hamblayeeyey munaasabada ciidul-adxaa, iyagoo kala hadlay qalabka warbaahinta.

Markii la tukaday saaka salaada ciida oo ay ka horeysay takbiirta laga qaadayey masaajida ayaa waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalooyin Puntland  isugu soo baxay boqolaal iyo kumanaan dadweyne ah oo isugu jira rag, dumar iyo caruur wata lebisyo aad u qurxoon, iyagoo isku booqanaya guryaha oo lagu diyaariyey macmacaano loogu talo galay maalinta weyn ee ciidul Fitriga, waxaana dadkaasi ay isku marxabeynayeen ereyo ay ka mid yihiin CIID WANAAGSAN.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo si mideysan looga dabaaldegayo maalinta koowaad ee Ciidul fitriga appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>