Garowe-(Puntlandpost)-Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa boqolaal dadweyne ah kala qayb-galay munaasabada Ciidulfidriga oo ka dhacday garoonka Ciyaaraha Garoowe.
Golayaasha dowladda,Culimada,Isimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa salaada ciida ku oogaay Mire Awaare Stadium.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo ka hadlay munaasabada ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe inay maamulka gobalka nabad galyada kala shaqeeyaan.
Islaan Ciise Maxamed ayaa Ummada Soomaaliyeed ugu duceeyey in alle quluubtooda isku soo jeediyo waxaana uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa midnimadii Ummada Soomaaliyeed.
Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ugu horayn ugu hambalyeeyey Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland Munaasabada ciidulfidriga.
Camay ayaa docdkale baaq u diray beelahii ku dagaalamay deegaanka dharkayngeeyo ee gobalka Sool waxaana uu ku booriyey inay joojiyaan colaada oo ay nabad ku badashaan,waxaana uu tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku dhinteen dagaaladasi.
Munaasabada ciidul fidriga ayaa maanta si wada jir ah looga iiday Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland iyaduu uusan jirin wax khilaaf ah.
Hoos Ka Daawo Sawirada Ciida.
Kayse Muse Ali
Puntland post
Garowe
The post Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo boqolaal dadweyne ah ciida kula tukaday Garowe appeared first on Puntland Post.