Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hordhac: Portugal vs Wales – G. Bale vs C. Ronaldo – Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Caawa.

$
0
0

Garowe-(Puntlandpost) – Xulalka Portugal iyo Wales ayaa isku wajahaya Semi Finalka koobka qaramada qaaradda yurub waana wax lama filaan ah in labadaan xul ay soo gaaraan heerkaan mana aheyn wax saadaasha qof walba oo tartankaan ka hadlay ku jirtay.

Wales waxey soo qaarijiyeen xulkii Belgiumka, halka Portugal ay rigooreyaal kusoo reebeen Poland, labada xul midkood ayaa tiigsan doona Finalka Koobka Qaramada Yurub isagoo sugi doona markaas kii soo baxa France iyo Germany oo lugta labaad ee Semi Finalka Khamiista is wajahi doona.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Portugal vs Wales

Tartanka: Euro 2016 (Semi Final)

Garoonka: Stade des Lumieres

Garsoore: Jonas Eriksson (Sweden)

Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Hal Ciyaariyahan ayaa ganaax kaga maqnaan doona xulka Portugal waana William Carvalho kaas oo jaaleyaal ay u aruureen. Andre Gomes oo seegay kulankii Poland ayaa diyaar ah oo tababar buuxa qaatay, sidoo kalana waxaa shaki laga qabaa Pepe oo dhaawac ku seegay tababarkii Isniintii.

Dhanka kale Wales dhibaatada ay qabto waxey tahay waxey weyneysaa Aaron Ramsey iyo Ben Davies oo labaduba jaaleyaal ay u aruureen. mana jiro xidig kale oo dhibaato ka qaba marka laga reebo Dave Edwards oo tababarkii talaadadii ka qeyb qaatay balse awal xanuuno yaryar qabay.

MA OGTAHAY?

Kulankaan waa kii afaraad oo ay is wajahaan Portigal iyo Wales, kii ugu horeeyay waxey is arkeen June 2000, markaas oo ay Portugal ku badisay 3-0, kulan saaxiibtinimo.

Kulankaan waa kii ugu horeeyay oo ay tartan caalami ah isku wajahaan madama sadexdii kulan ee hore ay dhamaan ahaayeen kulamo saaxiibtinimo.

Portugal ayaa soo gaartay Semi Finalka tartnakaan markii shanaad, todobadii tartan ee ugu dambeeyay oo ay ka qeyb gasho. Xaqiiqdii tan iyo markii ay kasoo qeyb galeen Euro-gii ugu horeeyay 1984, kaliya Jarmalka ayaa ka badan inta jeer ee la yimid Semi Finalka (Lix Jeer) Ayuu yimid.

Dhanka kalana Portugal ayaa noqday xulka ciyaaray kulamada ugu badan tartanka Euro balse aan hal koob ku guuleysan 33-kulan ayey ciyaareen wax koob ahna ma hayaan. markii ugu fiicneed waxey gaareen final 2004, (1-0) waxaa kaga qaaday koobka Greece.

Portugal wax guuldaro ah sooma gaarin 12-kii kulan ee ay ciyaareen tartan weyn mudada uu macalinka u yahay Fernando Santos 8 guul, 4-barbaro. Dhamaan sideedaas guul kaliya waxey ku badinayeen farqi hal gool ah.

Wales waa markii labaad oo ay tartan weyn kasoo qeyb galayaan. Koobkii Aduunka 1958 ayaa kaga horeeyay tartankaan Euro 2016, markaasna Quarter Finalka ayaa lagu reebay.

Wales kaliya laba jeer ayey guuldaro la kulmeen 10-kulan oo ay ciyaareen tartamada caalamiga ah. labadaas guuldaro farqi hal gool ah ayaa looga badiyay Brazil (1-0) koobkii Aduunka 1958, iyo Euro 2016 (England 2-1).

Kaliya Faransiiska ayaa dhaliyay goolal ka badan Wales dhamaan wadamada ciyaaraya tartanka Euro 2016, France waxey dhaliyeen 11-gool, halka Wales ay dhaliyeen 10-gool.

Cristiano Ronaldo waa xiddiga ugu safashada badan koobka qaramada yurub taariikhda 19-kulan ayuuna ciyaaray, wuxuuna hal gool u jiraa inuu barbareeyo rikoorka xiddiga ugu goolasha badan tartanka waana Micheal Platini oo leh 9-gool.

Gareth Bale ayaa ah xiddiga ugu badan ee kubad goosha la beegsaday tartanka Euro 2016, (14) kubad ayuu goosha ku beegay, balse 3-gool ayuu ku helay.

Quarter Final-kii Renato Sanches ayaa rikoor dhigay maadaama uu noqday xidigii ugu da’da yaraa ebid ee gool ka dhaliyay waregga bug baxda tartanka Euro, (18-sano iyo 10 bilood) ayuu gool uga dhaliyay Poland.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Portugal (4-1-3-2): Rui Patricio; Cedric, Fonte, Pepe, Eliseu; Moutinho; Mario, Renato Sanches, Adrien Silva; Nani, Ronaldo

Wales (3-5-1-1): Hennessey; Chester, Williams, Collins; Gunter, Ledley, Allen, Jon Williams, Taylor; Bale; Robson-Kanu

Kayse muse Ali

Puntlandpost

Garowe

 

The post Hordhac: Portugal vs Wales – G. Bale vs C. Ronaldo – Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Caawa. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>