Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXI) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Declemete
Maalintii la doortay Cabdullaahi Yuusuf maalintii ku xigtay Qabqablayaasha hubaysan siiba kuwa Muqdisho waxay bilaabeen inay ku baaqaan inaan ciidamo shisheeye ah loo baahnayn, waxay qaadeen olole weyn oo ay xil-dhibaannada kaga dhaadhicinayaan in Muqdisho ay nabad tahay, ammaanka magaallada inay iyaga ku filanyihiin, inaysan jirin baahi  ciidamo shisheeye loo qabo, hasa yeeshee taasi ma ahayn hadal laga dhaadhicin karo dadka xog-ogaalka u ah arrimaha Soomaaliya gaar ahaan magaallada Muqdisho, waxaana intaas dheer in Dr.Damore Kambudzi, oo ka mid ahaa guddigii xaqiiqo raadinta isla markaasna u qaabilsanaa inuu soo xaqiijiyo xaaladaha ciidan ee Soomaaliya ka jira, uu war-bixintiisii u dambeeyay si cad u qeexay inaysan wax dowlad ah ka shaqayn karayn Soomaaliya haddaa ciidamo xooggan oo qalabkoodu u dhanyahay aysan gacan siinayn.

 

Cabdsullaahi Yuusuf Axmed, ayaa isagana markii la doortay, wixii u horeeyay ee uu ka hadlo waxay ahaayeen in dowladdiisu la siiyo ciidmo ammaanka suga iyo in dhaqaale lagu caawiyo….. waxay ahayd wax la garan karo cabsida iyo tuhunka ay qabtay dowladda cusub iyo sababaha ay salka ku hayaan, sidaasoo kale waxay ahayd arrin iska cad inay xasaasiyad weyn gelin karayso Qabqablqyaasha hubaysan ee Muqdisho ka soo jeeda, waxaase la qiyaasiyay in haddii Qabqablqayaasha ay ka mid noqdaan xukuumadda uu shakigaas meesha ka bixi karo ama ay saamayntiisu yaraan karayso.

 

Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Gaaddi, waxay isku dayeen in hoggaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho la yeeshaan xiriir sokeeye, waxay ku soo wada dareen xukuumaddii la soo dhisay, waxay ka oggolaadeen codsi ay soo keensadeen oo ahaa in labo xubnood dheeri ah oo waziiro ah la siiyo,waxayna la qaateen shirar is daba joog ahsi wada jir ah iyo si gooni-gooni ah,  hase yeeshee wax horumar oo laga gaaray ma jirin. waxaa dhacday in qaar ka mid ahaa raggaas ay si adag isu qabteen ra’iisal wazaare Geeddi, waxayna ugu dambayntii ku soo ururtay in labada dhinac markay wax isku af garan waayeen ay qolo kasta fikradeeda iskeed taageero uga raadsatay xil-dhibaannada.

 

Intaan la soo magacaabin Cali Max’ed Geeddi, bil ka hor xil-dhibaannada Soomaaliyeed waxaa dhowr maalmood oo taba-bar ah siiyay ururka AWEPA oo baarlamaannada Yurub u qaabilsan xiriirrada iyo tba-barrada Barlamaannada Afrika, intii uu taba-barkaas socday waxaa xil-dhibaannada lagu barayay waajibaadka golaha shacabka iyo waajibaadka golaha fulinta, waxaa kaloo lagu baray wada shaqaynta ka dhexeysa labada gole ee dowladda.

 

Intii uu kulankaas socday waxaa casharo ka bixinayay xeel-dheerayaal kala duwan oo AWEPA ay isu diyaarisay inay casharradaas siiyaan xil-dhibaannada Soomaaliyeed.weydiimihii ugu yaabka badnaa ee xil-dhibaannada Soomaaliyeed ay weydiiyeen waxaa soo Jeediyay Max’ed Qan-Yare Afrax oo ka mid ahaa qabqablayaashii Muqdisho ka soo jeeda islamarkaasna xilligaas waziir ka tirsan xukuumadda uu soo dhisay Cali Max’ed Geeddi, weydiinta Qan-Yare ayaa waxay u ekeyd inuu yahay nin wali shaki ka qaba inuu ka mid yahay xukuumadda uu waziirka ka ahaa, wuxuuna su’aasha u jeediyay John Corrie, oo ka mid ahaa xubnihii AWEPA ee casharrada siinayay xil-dhibaannada, siduu ii sheegayna ku dhowaad 40sano ka mid ahaa barlamanka Ingiriiska”Aniga hubka aan hayo lacag buu iigu fadhiyaa marka haddii aan ka mid noqdo xukuumadda ma qasab baa inaan dowladda ku wareejiyo, mise waa in layga gadaa oo lacagtaydii lay celiyo?”….

 

Qan-Yare weydiintiisa keligiis kuma ahayn, kuwo badan oo aan weydiinta soo jeedin oo dowladda xubno ka ah baa la qabay, kuwo kale waxay qabeen hanta dowladeed oo intii uu burburku dhacay ay haysteen, oo waliba ay ku intifaacayeen in lacag laga siiyo!….waxyaabahaas oo dghan waxy cadayn u ahaayeen inaysan jirin cid heshiisay, waxay ku tusayeen sida ay u luntay kalsoonidii ummadnimo ee dadka isku haysay, waxaana taas ka sii darna gacmaha ay ku luntay ma ahayn kuwo leh karti ay ku soo celiyaan, oo xataa haddii ay rabaan inay soo celiyaan annaga ogeynee ma laha awooddaas, maadaama aysan awoodin inay soo dhisaan kalsoonidii ummaddooda waxay sii wadayaan ciriqsiga iyo xummaanta ay ku kala geyniyaan ummadda!

 

Waxaa sii ordhay khilaafaadka dowladda cusub ee Mbagathi lagu dhisay dhexdeeda ka jira, u fiirso, waxaa indhaha ku haya oo iyagu dabeecadaha noocaas ah ka faa’idaysan yaqaan, Muuse Suudi Yalaxow, baa isna sidaas oo kale cadeeyay hub uu leeyahay inuusan dowladda uu waziirka ka yahay ku wareejinayn, waxaa intaas dheer, Qabqablayaasha ama hoggaamiyeyaasha siyaasadda dhaqan ay leeyihiinba ma aha in midna uu kan kale qabto….wax kasta oo ay dowladdu ku noqon lahayd dowlad way adkaatay inay suuro galaan….ciidamo shisheeye ha la keeno waa la diiday! Waa hagaag hubkii la haystay in wareejiyo waa la diiday… dowladu Muqdisho meel aan ahayn ma degi karto oo cahdiga ku-meel gaarka ah sidaas buu qabaa…

 

Waa la wada yaabanyahay albaab kasta waa soo xirmay, dowladdii waa la dhisay, Baarlamankii, Madax-weynihii, Ra’iisal wazaarihii,waziirradii, cahdi ku-meel–gaar ah, erggedii shisheeyaha ahayd madaxay isla gashay, wax kasta way istaageen, dowladdii mar kasta waa wada hadlaysaa iyadoo laba dhan u kala fadhida inkastoo aysan maalmahaas aad u soo shaac bixin; qayb Madax-weynaha, ra’iisal wazaaraha iyo waziirrada ah iyo qaybta kale oo ah SHariif Xasan Af-hayeenkii Barlamanka iyo qabqablayaasha hubaysan ee Muqdisho iyo inta badan xil-dhibaannada aan waziirnimmada helin!…..

Beri la soco….

 

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXI) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>