Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in amniga guud lagu haleeyay Amisom oo aanan dalka u dhalan

$
0
0

Kismaayo-(Puntland Post) Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ammaanka guud ee dalka Soomaaliya lagu haleeyay ciidamada Amisom oo dhalasho ahaan dalka aanan u dhalan.

Axmed Madoobe ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedada  ku eedeeyay inay ku mashquuleen Doorashooyinka dalka ka dhici doona iyo arimo kale, islamarkaana amniga Dalka faraha loo galiyay Amisom..

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in marar badan ay dhacday in ciidamada AMISOM  meel ay qabsadeen isaga baxeen kadibna Al-shabaab ay dhibaateeyeen dadka shacabka ah, taasi oo dhibaato ku ah shacabka SOomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayuu kula dardaarmay iney qaataan masuuliyada Amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya oo aan shisheeyaha lagu haleyn.

Shabaab ayaa maalmahan dambe waxa ay qabsanayeen deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool iyo Galgaduud.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in amniga guud lagu haleeyay Amisom oo aanan dalka u dhalan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>