Xulka qaranka Portugal ayaa u soo baxay finalka tartanka qaramada yurub kadib markii ay 2:0 ku garaaceen Wales kulankii afar dhamaadka Euro 2016. Cristiano Ronlado iyo Luis Nani ayaa Portugal ka caawiyay in ay iska xaadiriyaan kulanka kama danbaysta ah ee Euro 2016, waxayna sugi doonaan midka soo baxa xulalka qaramada Germany iyo France oo habeen danbe ciyaari doona.
Cristiano Ronlado ayaa goolasha Portugal u daah furay Daqiiqadii 50 aad halka Nani uu saddex daqiiqo kadib uu goolka labaad u keenay Portugal waxayna labadan gool ee deg dega ahi ay ciida ku rogeen xulka qaranka Wales oo dadaal badan ka soo muujiyay intii uu tartankani ka socday France.
Portugal ayaa Finalka lacayaari doonta xulka Germany iyo France kii caawa soo baxa.
PUNTLAND POST
The post Xulka Qaranka Portugal Oo Iska Xaadiriyay Finalka Tartanka Qaramada Yurub appeared first on Puntland Post.