Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Macaane
John Corrie, uu ka jawaabaya weydiintii Qan-Yare ee ahayd inuu hubka lacag ugu fadhiyo wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalyahannadii KHame Rouge iyo dowladdii Kampuchea, wuxuuna sheegay in dagaalyahannada lagu qasbay in ninkii doonaya inuu dowladda ka mid noqdo uu hubka iyo ciidanka dowladda ku soo wareejiyo, ninkii raba in hubkiis laga gatana uusan xil ka qabanayn dowladda, sidaas daraadeeday haboontahay qofkii raba in hubka laga iibsado inuu baneeyo xilka uu dowladda u hayo si qof kalae oo dowladda hubkiisa iyo ciidankiisa ku wareejinaya ama ay asaga dowladda dan ka dhexayso uu xilkaas u qabto….waxayse u ekeyd in Qan-Yare iyo raggii isaga ay isku midka ahaayeen aysan taas garowsan.

 

Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’isal wazaarihiisii waxay shaqadoodii noqotay shirar ay la galaan Diplomats-iyiinta shisheeyaha, iyo inay safaro dibadda galaan gaar ahaan Itoobiya, waxayna xoogga saareen sidii ay u heli lahaayeen ciidamo shisheeye oo ammaanka dowladda suga, taas lafteeda ayaa ahayd mid aan waxba ka suuroobin laakiin ay madax-weynaha iyo ra’isal wazaaraha waxay qaadeen olole aad u baaxad weyn oo ay rabeen inay ku helaan ciidamo noocaas ah. Dowladda Uganda oo iyada mar kasta dowladaha kale kaga duwanayd inay dhiiri geliso in dowladda shirkaas ku dhisanta ciidan lagu daro mooyee dalalka kale ee IGAD iyo Midowga Afrika iyagu shaki weyn bay ka qabeen inay Soomaaliya ciidan u diraan, Itoobiyaanka laf ahaantiisa inkastoo uu rabi lahaa ciidamo Soomaaliya loo diro inuu xubin ka ahaado hadana kuma dhirnayn in ciidan uu leeyahay oo aan haysan taageerrada quwadaha waaweyn la geeyo Soomaaliya, laakiin waxy door bidaysay in sir-doonkeeda ay ku kaaftoonto si ay ula socota shakiga ay ka qabtay in ammaan darrada Soomaaliya ka jirto ay xudduudeeda u soo talowdo.

 

Waxaan iyadana qarsoonayn oo ay qabqablayaashii Muqdisho ee hubaysnaa cadaysteen inaysan yeelayn ciidamo shisheeye in la keeno Soomaaliya, waxayna ku celceliyeen inay iyaga ammaanka sugayaan,…ammaanka sugayaan?!…..hadalkaas ay leeyihiin ama ay ku sheegayeen inay ammaanka iyaga sugayaan kama muuqan dhaqankooda waliba iyagoo dhammaantood xilal waziirnimo ku magacaaban oo golaha xukuumadda ku jira. Waxaa in la cadeeyo mudan in codod badan oo ay leeyihiin xil-dhibaannada qaarkood ay mar kasta u tirsanaayeen kooxaha ay la deegaanka yihiin ee hubaysan xataa haddii aysan ku raacsanayn fikirka ay kooxahaas qabaan, sidaasoo kale waxaa iyadana in badan oo ka mdi ah xil-dhibaannada ka soo jeeda dhinaca koonfureed ee dalka ay qabeen in xil-dhibaannada ka soo jeeda gobollada woqooyi ee dalka aysan daacad ka ahayn Soomaalinimmada ay sheeganayaan laakiin ay ujeeddadoodu tahay in mar kasta khilaaf ka dhex abuuraan dowladda! Inkastoo aan hadalkaas sida loo yiri aan loo wada qaadan karin.

 

Waxaase eeddaas oo kale hadda ka hor si bareer ah ugu soo jeediyay Gen. Jaamac Max’ed GHaalib intii aan xil-dhibaanada la soo xulin maalintii la ansixinayay Cahdigii ku-meel gaarka ahaa Mowliid Macaane ka dib markii uu Gen. Jaamac oo ka mid ahaa kooxda Bulshada Rayadka looguu yeero uu damcay in dib loo dhigo ansixinta dastuurka isagoo ku andacooniya in wali ay jiraan waxyaabo badan oo inay jiraan waxyaabo badan oo u baahan dib loo fiiriyo, isla markaasna ay erggeda dowladda xaq u leedahay codsigeeda, laakiin uu taas Mowliid Macaane uga jawaabay ” Walaalow Jaamacow adiga gurigaaga kuu dhisan, meelaad ku noqotaad leedahay ee annaga keena ha dumin, axsaan noo same walaalahaa baan nahay guri nooma dhisana ee nala dhis!”…calaacal!

 

Qabqablayaashii Muqdisho ka soo jeeday waxay bilaabeen shirar aan kala kac lahayn, sidaasoo kale waxay kor u qaadeen ololihii ay ka dhex wadeen xil-dhibaannada si ay u baajiyaan ciidamo shisheeye in Muqdisho la keeno, laakiin hadallada ay sheegayaan way adkayd sida loo rumaysto, waayo qaarkood waxay bilaabeen inay si aysan qarsoodi ahayn meelaha uga af-lagaadeeyaan ra’iisal-wazaaraha, sidoo kalae markii ay ogaadeen in madax-weynaha iyo ra’iisalwazaaraha ay qorshayniyaan in laga fekero meel kale oo ay dowladdu degto haddii ay Muqdisho suuro gal noqon weydo, waxay  bilaabeen inay ku handdadaan dowladdu inay dhacayso haddii aysan 90beri gudahooda ku soo deign Muqdisho marka ay xil-dhibaannada u guuraan ka dib….

 

Dowladda Maraykanka habkii ay ula dhaqantay dowladda cusub wuxuu isagana ahaa runtii hab dhiiri gelinayay in qabqablayaasha ay ku adkaystaan ka soo hor jeedka ay dowladda ka soo hor jeedaan, waxaana jirtay in Safiirkii maraykanka u fadhiyay Kenya uu shir qarsoodi ah la galay qabqablayaasha Muqdisho oo ay wehliyaan Af-hayeenka barlamanka SHariif Xasan iyo waziirkii war-faafinta ee xilligaas Max’ud Cabdullaahi Jaamac (Sifir), waziiro kale shirkaas lagu marti qaadayiyagana way diideen inay ka qayb galaan, isla markaasna ay  Af-hayeenka SHariif Xasan SHiikh Aadan ugu baaqeen inuusan shirkaas ka qayb gelin isla markaasna uu yahay kulan sharci daro ah oo ka qayb gelkiisa ay gef ku tahay xilka uu hayo, hasa yeeshee uu iska dhego tiray.

 

DHinaca erggeda shisheeyaha ah waxay sida muuqata ka fekerayeen oo ay taageersanaayeen go’aanka madax-weynaha, ra’iisal-wazaaraha, waziirrada, iyo tiro aan badnayn oo ka mid ah xil-dhibaannada, waxaa iyagana jiray xil-dhibaano badan oo fikirka madax-weynaha iyo xukuumadda uga soo hor jeeday oo keliya inaysan jago waziirnimo helin ama aan la siin, kuwo kalana cabsi ay ka qabaan qabqablayaasha daraadeed…waxaana intaas oo dhan  ka duwanaa mar kastana warkiisu caddaa oo aan ka leexan jirin wuxuu qabo Max’ed Cusmaan Maye!……

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>