Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowlada Kenya oo lagu eedeeyay in ay Dad Shacab ah ku dishay koonfurta Soomaaliya

$
0
0

Qaramada Midoobe ayaa dowladda Kenya ku eedeeysay in ay dhibaato fara badan u geystay dadka Soomaaliyeed ee kunool Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku nool Gobolka Gedo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon ayaa sheegay in duqeymaha aan loo meel dayin ee dowladda Kenya ay ka wado koonfurta Soomaaliya in lagu dilay dad badan oo shacab ah iyo xoolo nool.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in diyaaradaha dalka Kenya ay ku dileen koonfurta  Soomaaliya dad shacab ah oo ka badan 29 qof kadib weerarkii dhimashada badnaa ee ururka Al-Shabaab ay ku qaadday Saldhig Millateri oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa duqeymo badan waxa ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo,waxaana dadka deegaanadaasi kunool ay dowladda Kenya ku eedeeyeen in ay xasuuqday dad iyo xoolo.

PUNTLAND POST

The post Dowlada Kenya oo lagu eedeeyay in ay Dad Shacab ah ku dishay koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>