Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qaramada Midoobay oo lacag ugu deeqday dowlada Federaalka Soomaaliya

$
0
0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa loogu deeqday lacag dhan 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah  lacagtaasi oo ay ku yaboohday Qaramada Midoobay.

Lacagtan ayaa waxaa bixinaya Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobay waxaana loogu taa galay in lagu kabo kaabayaasha dhaqaalaha dowlada Federaal Soomaaliya iyo kuwa  Dowlad Gobaleedada Dalka ka jira.

Lacagtan ayaa waxay  soo maraysaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya, kadibna waxaa si toos ah ugu dhacaysaa  Bankiga Dhexe ee Dowlada Federaalka Somaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Dowlada Federaalka Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ugu deeqday 2  Malyan oo Dollar-ka Mareyka ah wuxuuna sheegay in wax loogu qaban doono shacabka Soomaaliyeed  waxa uuna sidoo kale sheegay in lacagtan aysan qeyb ka aheyn barnaamijka New Deal-ka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa taageero lacageed ka hesha Dowladaha caalamka hase yeeshee lacagahaasi kuma baxaan in tooda badan sidii loogu talo galay.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo lacag ugu deeqday dowlada Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>