Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xoosh oo loogu wargeliyey in Kismaayo aysan Cayaar oolin , kana dabcay mowqifkiisii hore (Warbixin- Dhegeyso)

$
0
0

Xildhibaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaananada ku sugan magaalada Kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay qas iyo been abuur ka waday Idaacadaha , isla markaana lagu eedaynayo inuu ka mid ah shaqsiyaadka si hoose wax uga bedelay dastuurkii lagu heshiiyey ayaa wax weyn la sheegayaa inay iska bedeleen kaddib markii uu la kulmay qaar ka mid ah maamulka sare ee Jubbaland.

Dhegeyso Xildhibaan Xoosh

Xildhibaan Xoosh

Xildhibaan Xoosh

Wararka aan helayno ayaa sheegayaa in markii uu Idaacadaha ka hadlay oo uu  ka mid noqday kooxaha lasoo adeegsaday ayaa lagu wargeliyey inuu Kismaayo aysan oolin ciyaar ciyaar loona soo halgamay dhiigna loo soo daadiyey xoreynta magaalada Kismaayo , isagoo loogu baaqay waqtigaas inuu si deg deg ah uu uga baxo magaalada Kismaayo.

Wadahadal dheer kaddib ayaa suuragashay inuu ka xaalmariyo maamulka Jubbaland hadaladii Qadafka ahaa ee uu ka sheegay Idaacada VOA ee taageerta garabka Dowlada ee aan doonayn inay Soomaaliya lagu soo celiyo Amaanka iyo Cadaalada.

Xildhibaan Xoosh ayaa madaxda Jubbaland u sheegay in hada wixii ka danbeeya uu u diyaar yahay inuu si soomaalinimo oo wadanimo ku jirto ay ula shaqaynayaan maamulka Jubbaland, isagoo maamulka Jubbaland ka codsaday in Wadahadalo  ay la furaan DF ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in Maamulka Jubbaland ay arrinkaas mar kasta taageersanaayeen, laakiin qolada qaska iyo Jubbaland inaan maamul iyo nabad ka imaan aan doonayn ay yihiin Kooxda uu hogaamiyo Xasan Culusow oo dad reer Jubbaland ay aaminsan yihiin 100% inuu ku sifoobay Kaabo Qabiil, isla markaana doonaya  inuu Soomaaliya ku celiyo dagaaladii Sokeeye oo isagu qayb ka ahaa.

Warar hoose ayaa sheegaya in aan la kala gaban oo madaxda maamulka Jubbaland ay si adag ulla doodeen kooxda uu hogaaminayey Xoosh Jibriil  , laguna wargeliye in ay u hogaansamaan wixii Soomaalidu ay ku heshiisay , Jubbalab-na ay tahay maamul dadkeedu soo doortay , kuna dhaqmaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Islaam madoobe , ayaa la sheegayaa in ku hanjabay ” Wixii Soomaalinimo nala raba waan la rabnaa anaguna , qofkii intaas wixii ka banaanka ah wata isagaa og meeshii uu ku biyo cabayo”.

Sikastaba, shacabka Jubbaland iyo madaxtooda ayaa waxay ka maraysaa meesii ugu danbeysay, iyagoo muujiyey wadajir iyo inay si toos ah isaga difaacaan shaqsiyaadka aan doonayn in ay Soomaaliya degto,  xalka Soomaaliyana iyo qaranimadeeda-na u haysta wax Danbiil lagu sidan karo.

Waxyaalaha Cajiibka ah ee shacabka Jubbaland ay maanta wada aaminsan yihiin ayaa ah hal hadaf, kaas oo ah Jubbaland dadkeedu waa Jubbaland qabiilkuu doono haka soo jeedee , haday isku dayaan dad Jubbaland ka soo jeeda inay kala ridaan maamulka Jubbaland, iyaga ayey keli ku tahay waxaana loola xisaabtamayaa sida qof cadow ah oo qaran dumis ah, taasi waxay keentay  isku duubi iyo inay dadku is aaminaan , qofkii qaladana banaanka loo tuuro, intuu uu Virus uu shacabka dhex dhigi lahaa.

Shacabka Jubbaland ayaa aaminsan , Soomaaliya soomaali baa leh, waxaase loo baahan yahay in qofkii guri dad leeyahay iyo Beerahooda haysta inuu isagu marka hore isa soo xisaabiyo kaddibna uu horyimaado Soomaalida  isagoo xalaal ah oo xaaraan ka caagan.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>