Garowe (PP): Waxaa manta barqanimadii magaalada Garowe ee Xarunta Puntland ka duulay madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Wararka ka soo baxaya madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Dr. Faroole u duulay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Safarka madaxweynaha ayaa lala xiriiriyey dadaal uu rabo inuu kula kulmo wakiilada beesha caalamka, iyadii mudadaan ay jireen is maandhaaf siyaasadeed wadanka Soomaaliya, gaar ahaan arimaha Federaalka, maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka oo lagu eedeeyey inay si aan sharciga waafaqsanayn ay dastuurka wax uga bedeshay.
Warar ay Puntlandpost heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole iyo Madaxweynaha DF Xasan Sheekh ay ku kulmayaan garoonka diyaaradeed oo Nairobi ku yaal. haddii uu kulankaasi dhacana waxay noqonaysaa mid ay qabanqaabadiisa ay leedahay dowlada Kenya.
Madaxweyne Faroole ayaa la sheegay in uu booqashadiisa Kenya uu uga sii gudbi doona Dalka Imaraadka Carabta.
Wararka safarka madaxweynaha kala soco wararkayaga dambe.
Puntlandpost.com
Garowe, Puntland, Soomaaliya