Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXVI) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

feerkii brlmnk1
Waxaa laysugu yimid kulankii loo balansanaa, ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi iyo golaha waziirrada ama xukuumaddiisa waxay sugayeen in loo codeeyo arrinta ay xukuumad ahaan iyagu isku raaceen oo ahayd in ciidamo shisheeye oo nabadda gelyada suga dalka la keeno si dowladda ay u noqoto mid taabba gal ah oo hawlaha la sugayo ee hor yaala qabana karta. Hasa ahaatee qayb xil-dhibaannada ah oo aan iyaga ka midka ahayn xukuumadda, ayna hor kacayaan Qabqablayaashii Muqdisho oo iyagu dhammaantood ka mid ah xukuumadda iyo Af-hayeenkii golaha shacabka SHariif Xasan SHiikh Adan ayaa iyagu u muuqday inay wax kale oo dheeri ah ogyihiin….. oo waa la wada fadhiyaayee ma wax baa qarsoomayana?!

 

Waxaa jirtay nux-nux faro badan, iyo kolba laba xil-dhibaannada ah oo intay fadhiga ka baxaan bannaanka ku soo faqaya ,  SHariif Xasan, waqti xoogaa ah bay ku qaadatay inuu shirka si sugan u soo fariisto oo wuxuu kolba qaabilayay qaar ka mid ah qabqablayaasha Muqdisho oo uu kula tashanay meel gees ah oo iriddii uu shirka ka soo geli lahaa ahayd. Muuse Suudi, Xuseen Carraale, Cusmaan-Caato, iyo xubno kale, oo aad u caraysan waxay soo hoos fariisteen meeshii loogu talo galay xil-dhibaanka hadlaya uu soo joogsado (Podium)….waxaa lays weydiin karaa haddii cod in lagu kala baxo lagu heshiiyay oo xukuumadda meesha fadhiso iyada laf ahaanteed bilo ka hor cod loo qaaday lagu riday hadana ay ku soo laabatay cod kale oo loo qaaday, mooshinka maanta muxuu uga duwanyahay kuwii hore maa cod loo qaado?!….

 

Waa barlaman, waa meel lagu wada hadlo, laakiin maanta xaaladdu waa ka duwantahay siyaabo badan oo horay loo soo arki jiray. SHariif Xasan SHiikh Adan oo guddoonkii ah, Ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi iyo  ku-xigeennadii Af-hayeenka DHalxa iyo Boqorre ayaa miiska guddoomiyaha fadhiyay, markii la xaqiijiyay in tiro codeyn karta ay fadhiga joogto (Quorum) ayaa SHariif Xasan shirkii furay, waxaan isla markiiba soo baxay khilaaf qof kasta uu arki karayo markii uu Af-hayeenkii yiri “Maanta waxaan u codeynaynaa laba mooshin oo mid  ay xukuumadda keentay, waxyna rabtaa in ciidamo shisheeye dalka la keeno, arrintaasna ay xil-dhibaannada codkii kalsoonida u qaadaan, mooshinka kale waa mid kaas ka soo hor jeeda, isagana waxaa keenay xubno xil-dhibaannada ka mid ah….” Isla markiiba waxaa kacay  xubno ka mid ahaa xukuumadda iyo xil-dhibaano taageerrsan oo xanaaqsan “Mooshinkeenaa horeeyay, qaynuunkana ma aha in mooshin shalay la keenay iyo midkeena laysku daro oo isku mar laga dhigo…..mooshinka aad sheegayso wuxuu u baahanyahay in xil-dhibaannada loo qaybiyo, ugu yaraan inay labo toddobaad soo haystaan, iska soo aqriyaan ka dib baa lakeeni karaa golaha…” buuqii ayaa faro batay dhinacii kale iyagana waxaa kacay xil-dhibaannadii ka soo hor jeeday qorshaha xukuumadda “Labadaba cod ha la geliyo…maanta ha la dhameeyo, SHariif cod geli… Gudoomiye cod geli….”

 

Markii uu xoogaa hadalkii is dhaaf-dhaafay ayaa SHariifka uu dood furay arrinta ciidammada la keenayo ee ah in ciidammada dalalaka safak hore ah (Itoobiya, Djibouti, iyo Kenya) in ciidamo ka socda la keeno iyo in kale, dooddaas ayaa aad u dheeraatay, waxaana ra’yigooda dhiibtay sida uu gabgabdii dooddii Xil-DHibaannada ku sheegay Af-Hayeenka ilaa 109 xil-dhibaan, wuxuuna xiray fadhigii isagoo leh ” Ha la soo qad-qadeeyo, oo ha la soo tukado, ka dib ha la soo noqdo fadhigii meeshiisuu ka socanyaayee.”

 

Aniga shaksiyan inay balo dhacayso waxaa ii sheegay Muuse Suudi Yalaxow, markii qadada la aadayay ayaan anigoo fur-furanaya qalabkii aan ku shaqayniyay hadday ahayd  makiinnadaha sawirka ama kuwa codka, ayaa waxaa ii yimid Muuse Suudi Yalaxow oo yiri “Alaabtaada sideeda maad uga tegtid cid qaadanaysa ma jirtee.” Waxaan ku iri  “Maya kama tagi karo oo meesha waa cidlo laakiin markaan soo tukado horaan ka soo noqonayaa.”

Markaasuu I yiri “Maanta waraa jiree ha tegin.” “Marka hore waan soo tukanayaa.” Baan ugu ceshay, intii igu qoslay buu yiri “Aryaahee, ciddiina hee salad ma taqaanee intaba waa lagu tukan karee ee intaba isaga tuko!” anigoo qosal I soo dhaafay  “Waa runtaa laakiin misaajidkii baa  innaku dhow.” Intaas iigama harinee wuxuu igu yiri “Alaabta annaga inooga tag ee soo tuko intaad oogu imaaneeye.”….laakiin alaabtayd ii baan qaatay oo misaajidkii aaday, laakiin marna kuma fekerin oo iguma soo dhicin gacan qaad in lays dagaali doono.

 

Waa laysu soo noqday, isla markiina waxaa bilowday doodad ha la joojiyo oo ha la codeeyo iyo wali dad baa dood u hartay oo raba inay hadlaan, qof kasta oo soo istaagaoo raba inuu hadlo ahdii uu taageersanyahay fikirka ra’iisal wazaaraha iyo xukuumadda waxaa hoos fadhiyay ama abhinayay Muuse Suudi ” Ar Ilaaha ka yaab ma Amxaaraad dalka ha la keeno leedahay?”  xil-dhibaannada qaarkoodna waxayba isla gaarayeen inay is af-lagaadeeyaan, waxaasee si aan af-lagaado ahayn oo uu dhib sheeganayo Muuse ugu jawaabay Max’ed Cusmaan Maye oo yiri ” War Amxaar la keenaa, waa la keenaa, annaga adinka iyo amxaaro maxaad isu kaaya dhaantaan? Annaga hadayba  Amxaaro na haystaa, dhaaf ha timaado marka kuligeen ha isla keen qabsato!”…. marba marka ka dambaysa waa laysku sii xanaaqayay, hadalladuna waa sii fool xumaanayeen….

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXVI) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>