Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in habeynimadii Xalay aheed Al-shabaab Bandoow Ku soo Rogeen Gudaha Magaalada Marka.
Baabuur cod baahiyaal ay ku xiran yihiin oo Al-shabaab leeyihiin ayaa la sheegayaa in Dadka ay ku wegaliyeen in Magaalada bandoow tahay.
Xafiiska Puntland Post ee Magaalada Muqdisho oo xiriiro dhowr ah lasameeyey Dadka ku nool marka ayaa inoo sheegay in Magaalada saakay Ku soo laabteen isku socodka Dadka iyo gaadiidka
Shalayto ayee aheed markii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay isaga baxeen Magaalada marka islamrkaana ay la wareegay Dagaalyahano Ka tirsan Al-shabaab.
Ilaa hada lama Oga sababta rasimigaa ee ka danbeysa ka bixitaanka Ciiidamada Dowlada ay ka baxeen gudaha Magaalada Marka.
Ka bixitaanka Magaalada Marka ay ka baxeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa imanaya Ka gadaal markii Al-shabaab ay Weerar aad uxoogan ay ku qaaden saldhig Ciidmada Milatariga Soomaaliya ay ku la haayeen Deegaanka Laanta Buuro.
Saciid Xasan
Warbahinta Puntland Post
Muqdisho-So
The post Al-Shabaab oo xalay Bandoow ku soo Rogay Marka appeared first on Puntland Post.