Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii fashilmay ee la rabay in lagu kala dhantaalo Horumarka iyo Dumaquraadiyadda ay gaareen dalka iyo dadka Turkiya.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa Dawlada iyo shacabka an walaalaha nahay ee Turkiya. Waxana goluhu tacsi u direy dadkii ku waxyeeladu ka soo gaartay dhacdadaasi, iyadoo Intii dhaawaca ahna ilaahey uga baryey caafimaad deg deg ah in uu siiyo.
Xubnaha Golaha Wasiirrada Dowlada Federasalka Soomaaliya waxay isku raaceen qodobada soo socda iyadoo la tix gelinayo codsiga Turkiya:
1. Inla joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.
2. In howl wadeenada Nile Academy ay mudo 7 cisho gudaheed ah dalka uga baxaan oo ka bilaabaneysa 17 July 2016.
3. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan. Maamul cusub na loo yeeli doono.
Hay’ada Nile Academy ee dalka laga mamnuucayo ayaa waxaa iska leh wadaad Mucaarad ku ah Dowlada Turkiga laguna eedeeyay in uu ku lug lahaa Afgambigii Fashimay.
PUNTLAND POST
The post Dowlada Soomaaliya oo Eriday Hay’ad Turki ah appeared first on Puntland Post.