Garowe-(Puntlandpost)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa kala cadeeyay waxyaabo uu kubbada cagta ku jecel yahay iyo waxyaabo uu neceb yahay in uu ku arko. Macalinka cusub ee Red Devils ee Mourinho ayaa xili ciyaareedka cusub bilaaban doona waayihiisa cusub ee Old Trafford halkaas oo uu Louis Van Gaal ka badalay.
Tababarihii hore ee Chelsea ee Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uu neceb yahay kulamada xiliga danbe la ciyaaro isaga oo si cad u sheegay in uu jecel yahay kulamada xiliga hore la ciyaaro. Mourinho ayaa muujiyay sida uu u necbaa kulamadii uu xiliga danbe kooxda Madrid maamuli jiray ee horyaalka Spain ee La Ligaha.
Mourinho oo ka hadlaya waxyaabaha uu jecel yahay ee kubbada cagta ayaa yidhi: ” Haddii aad i waydiisay hal wax oo aan ku jecelahay waa kulamada xiliga hore la ciyaaro. Taas ayaan jecelahay. Waxaan jecelahay in aan subaxdii xili hore kaco oo aan doonto quraac qaali ah kadib aan buska raaco oo aan ciyaarto tago, kulanka aan ciyaarno haddii ay suurtogal tahay aan guulaysnao kadib ciyaartu ay dhamaado oo aan guriga iska aado, taas ayaan ka helaa”.
ntaa kadib tababare Jose Mourinho ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha uu neceb yahay wuxuuna yidhi: “Anigu ma jecli sugista kulamada. Waqtigaygii aan Spain joogay, mararka qaar waxaa jiray kulamo xili danbe ah sida iska cad waxay sababtu ahayd cimilada. Waan necebahay kuwan, waan necebahay in aan waqti dheer oo maalintii ah sugo kulanka”.
Mourinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Laakiin marka ay ciyaartu bilaanto way bilaabantay, waxaanad ogtahay in 90 kan daqiiqo aad ku raaxaysato oo aad samayso waxa ugu fiican”.
Kayse Muse Ali
Punlandpost
Garowe
The post Muxuu Tobabare Jose Mourinho Ku jecelyahay Kubada Cagta ? appeared first on Puntland Post.