Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL I) 41aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Bambayda1
Hay’adda UNDP-da ee qarammmada midoobay iyo ergooyinka dalalaka Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya wixii loo soo April 2005 waxay bilaabeen in loo tabaabushaysto sidii dowladda Soomaaliya ugu guuri dalkeeda,waxaan markii hore dhoofay Qabqablayaashii Muqdisho, SHariif Xasan SHiikh Adan Af-hayeenkkii barlamanka iyo xil-dhibaano la socday iyadoo ay Qarammada Midoobay bixinaysay kharajka diyaaradda, kuwaaso ka degay magaallada Muqdisho. Waxaana jiray warar soo baxayay oo sheegayay maalmihii ay Qabqablayaasha Muqdisho iyo Af-hayeenka in lacag 400kun oo dollar ay uga timid Suuqa-Bakaaraha taasooo loogu talo galay haddii loo baahdo in dhaqso ay u dhoofaan hay’adda UNDP ay la daahdo lacagtii lagu amaba bixi lahaa inay ku soo dhoofaan wixii soo harana xil-dhibaannada dhinaca madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha raacay lagula macaamilo.

 

Waxaa marar badan aad arakyasay in dad badan la dhici jirtay in dowladdu ay ka  soo cabato sida ay ula dhaqmaan guud ahaan ha’adaha Qarmmada Midoobay siiba hay’adda UNDP-da, waxaan xasuusnahay in UNDP-du ay mar lacagtii mushaarka xil-dhibaannada ay u siinaysay ay diiday inay u dhiibtay waziirkii maaliyadda laakiin ay taas bedelkeeda u marisay Af-Hayeenka barlamanka, xataa waxaa warar soo if bixin lagu sheegay in ra’iisal wazaare Geeddi intuu tegay laga diiday in lacagtaas lagu aamino, taasi waxay cadayn u ahayd in dowladda cusub oo inta badan xubnnaheeda aysan soo arag maamul dowladeed ama aan waxba ka fahamsanayn xafiisyada la geeyay siday u shaqeeyaan laga sii habaabinayay wadiiqadda, waxaana mararka qaarkood la moodayay in hay’adaha Qarammada Midoobay ama kuwo badan oo ku socday magacyo dowladeed oo sheeganayay inay gacan ka geysanayeen horumarinta nidaamka dowladnimo ay si ula kac ah u marin habaabinayeen siyaasiyiinta ku cusub golayaasha dowladda si waligeed laysu haysto!…..”Waziirkana wuu qaadi karaa, Af-Hayeenka barlamankana wuu qaadi karaa!”

 

Waxaa lagu eedeeyay UNDP, musuqmaasuq, wax is-daba marin, iyo inay siday doonto ugu tagri fasho lacagaha loo soo mariyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana had iyo goor la arki jiray qaar ka mid ah waziirrada dowladda oo ka cabanayay hawlo dhex maray iyaga iyo UNDP-da, inkastoo ay adkayd in musuqmaasuqaas lagu eedeeyay cadaymihisa la wada helo, hadana arrintaas waxay mid ay isku si u wada sheegayaan xubnaha xukuumadda iyo kuwa xil-dhibaannada, waxaanse iyadan cidna inkirayn hawlo badan oo la xiriira horumarinta iyo adeegyada dad-weynaha oo ay UNDP-da ka dhaqan gelisay meelo badan oo dalka Soomaaliyeed ka mid ah, laakiin wali  eedahaas  waa jireen, wax kasta oo ay qabatayna waxaa loo arkayay inay musuqmaasuqda oo aysan u fulin sidii loogu talo galay ama ay markii hore u sheegtay mas’uuliyiintaiyadoo waliba wax kasta oo UNDP lagu eedeynayo sida la ogyahay qaar ka mid ah kuwa eedeyniya ay la ogyihiin.

 

In kasta oo uusan muuqan oo si aayar ah oo aan la dareemayn uu u socday tabaabushaha dowladda ay doo naysay inay ku guurto, oo ay u ekeyd in wax kasta si qarsoodi ah ku socdaan, way iska cadayd dowladdu inaysan Muqdisho u socon oo ay u guurayso si ku meel gaar ahna ugu shaqayn doonto meel aan Xamar ahayn. Cabsida u weyn ee ay dowladdu Muqdisho ka qabtay waxay iyadoo baqaysay in ciidammada SHiikh Xasan Daahir ay ku soo duulaan…sidoo kale waxaa arrin shaki weyn ku haysay ahayd Qabqablayaashii ka soo jeeday magaallada Muqdisho iyo Af-hayeenkii,  SHariif Xasan SHiikh Aadan ay colaad ku kala tageen ugana horeeyaan Muqdisho isla markaasna laga filan karo wax kasta inay ka yimmaadaan.

 

Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi waxaa kaloo ayu jeedeen in dowladihii IGAD ama Midowga Afrika aysan wali wax ciidamo ah ku yaboohin iyadoo waliba dowlddii u xirxiratay inay guurto, waxaana socday sahan ay dowladdu ku raadinayso meel ammaan ah oo ay ku shaqayn karayso, waxaa sidoo kale jiray warar  tilmaamayay ay suuro gal tahay inay ku duulaan meel kasta oo aay dowladdu degto… iyadoo tuhunka iyo walaaca uu aad u sareeyo waxay go’aansatay inay dhaqaaqdo waqtigii la qorsheeyay oo aysan dib uga dhicin, mana jirin xaqiqo ahaan dad yar oo kooban mooyee cid ogeyd dowladdu inay Jowhar degi doonto.

Maalmahaas xafiiska madax-weynaha iyo kan ra’iisal-wazaaraha waxay la ciirayeen oo buux dhaafshay dad qurbaha ka yimid oo dhammaantood raba inay dowladda cusub shaqo ka helaan, waxayse ceebtu ahayd in dadkaas shaqooyinka ay rabeen aysan ku jirin wax ka hooseeya Agaasimed-Guud (Director General), waxaa iyadana intaas dheeraa in mid kasta oo dadkaas ka mid ah uu rumaysnaa inay qasab tahay inuu helo  jagada uu doonayo oo xataa haddii aysan bannaanayn daraaddiis loo abuuro jago si loo ilaaliyo isu dheeli tirnaanta nidaam beeleedka lagu heshiiyay in wax lagu qaybsado ee4.5. Waxaa iyadan cillad kale ahayd waziirrada iyo agaasimayaasha dowladda oo in badan oo ka mid ah ay ahaayeen Qurbo- Joogtii dibadaha ka yimid oo aan  rabin badankooda inay Nairobi dhinacna u dhaafaan.

 

Dowladdu ma niyad xumayn mana jirin handdadaad markaas taaganayd, laakiin waxaa keliya oo cadayd inuu jiro waxay isku ogyihiin qaybta dowladda ee Muqdisho degtay iyo dowladda Maraykanka.  Qaybta dowladda madax-weynaha iyo Geeddi waxay wali rajo fiican ka qabeen olol xoog lehna ugu jireen in dowladaha IGAD iyo Midowga Afrika ay dowladda gacan ka siinayaan haddii haddii ay ka hor yimaadaan  xoogagga hubaysan ee dalka ka jira……

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL I) 41aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles