Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mareykanka oo ugu baaqay Turkiga in uu xaaladda dejiyo

$
0
0

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Turkiga in uu xaaladda dejiyo, ka dib isku-daygii afgembi ee fashilmay, kaasoo dhaliyay in Dowlada Turkiga dad badan  qabqabto.

Dowladda ayaa xirtay kumannaan ka tirsan milateriga Turkiga oo ay uga shakisan tahay in ay ka dambeeyeen afgembigaasi fashilmay.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa ugu baaqay Dowlada Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baaritaanka ku samayneyso isku-daygaasi afgembi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in eedeymaha ah in Maraykanka uu ku lug lahaa isku-daygaasi ay dhibaato u geysan karaan xiriirka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo kula hadlay taageerayaashiisa oo isugu soo baxay bannanka hore ee dhismaha baarlamaanka, ayaa Maraykanka ugu baaqay in uu usoo gacan geliyo Fethullah Gulen, oo uu ku eedeynayo in uu ka dambeeyay afgambigii fashilmay.

Dhanka kale Mr  Fethullah Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa isku-daygaasi afgembi eefashilmay.

  PUNTLAND POST

 

 

The post Mareykanka oo ugu baaqay Turkiga in uu xaaladda dejiyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>