Waxay ahayd talaabo aad u farxad gelisay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba noqoshada dowladda ay dib ugu laabatay Soomaaliya, waa la malayniyay oo waxay ahayd arrin iska cad in Af-Hayeenkkii SHariif Xasan oo ay wateen Qabqablayaasha Muqdisho ka soo jeeday ee sida goonida ah u soo guuray inay jirto qorshe qarsoon oo ay uga soo hor jeedaan dowladda….waxaa kaloo walaac weyn laga qabay inta ay Jowhar dowladda deggenaan karto, iyadoo ay dad badan tuhmayeen in Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed-DHeere) ay wax kasta ka suuroobi karaan, waxaase xoogaa uu xeerinayay in ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi uu yahay nin isaga kooxdiisa ka tirsanaa hadana ah madaxa xukuumadda dhisan, sidaas ay tahayna wali waxaa jiray walaac ay dad badan oo la socday xaalladaha gaarka ah Max’ed-DHeere ay muujinayeen.
Dowladdii waxay si buuxda u sal dhigatay Jowhar, laakiin iyadoo faro maran, askar ku filan ama qalabaysan aan haysan, cid ay wax taageero ah oo la hubo ay ka sugayso aysan jirin. Waxaa magaallada Nairobi orodkii uu ka dhammaaday xubnihii waziirrada ahaa iyo ra’iisal wazaarihii oo taageero dhaqaale raadinaya, wufuud badan oo shisheeye ah baa booqday Jawhar intii uu tegay madax-weynaha iyo xubno aan badnayn oo waziiro ah oo gadaal ka tegay, laakiin inta la ogyahay wafdi kasta ballan qaad mooyee wax kale lagama helin….
Bishii Luulyo 2005, markii ay noqonayeen intii ka hartay labada gole ee dowladda oo uu hor kacayay ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi, waxaa uu ra’iisal wazaaraha iyo xubno golaha waziirradiisa ka mid ah ay kulan la qaateen wafdi ka socday Midowga Yurub oo ujeeddadoodu ahayd inay u sheegaan ra’iisal wazaaraha in Midowga Yurub uu dowladda ka taageerayo oo keliyamushaarrada ciidammmada boliiska oo ay ugu talo galeen sanadkii inay siiyaan 2.7 million dollarka Maraykanka ah, arrintaas waxay keentay muran adag oo laysku af-garan waayay. Wax kasta oo ay soo jeediyaan ra’iisal wazaarha iyo xubnaha kale ee waziirrada ah oo dhaqaale ku codsadaan waxaa aad uga hor yimid wakiilkii dowladda Ingiriiska David Bell, waxaase shirkii soo gabgabeeyay Cabdi-Razaaq Juriile una sheegay inay waxooda haystaan wax ay uga baahanyihiinna aysan jirin, laakiin David Bell ayaa taas kaga jawaabay inuu wafdiga Jowhar u socda uu raacayo si uu u soo qiimeeyo xaaladaha dhaqaale ee dowladda.
Waxaan maalintaas isugu nimid gigada diyaaradah Wilson Airpot Maxwell Gaylard oo ahaa madaxa hay’adda UNDP-da ee Qarammada Midoobay oo isagana wax ka soogtinayay ra’iisal wazaaraha iyo wafdigiisa, waxaana in yar iska waraysanay sida uu arko noqoshada dowladda ay dalkii ku laabanayso, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay inay tahay astaan aad u wanaagsan iyo tallaabo horay loo qaaday, laakiin waxaan ku kala boodnay markii aan weydiiyay inta ay la egtahay lacagta ku baxaysa guuritaanka iyo dib u noqoshada dowladda guud ahaan ” Run ahaantii kuuma sheegi karo lacagtaas guud ahaan inta ay noqonayso, maxaa yeelay lacagaha aan dowladda Soomaaliya ugu talo galnay waxay soconayaan muddada 15ka sano ee soo socda wali kharajku waa socdaa!…” waxaa markiiba ka xummaaday muddada fogaanteeda, anigoo aad u dhibsaday hadalkaas baan iri “Oo ma 15sano ku dhan?” markaasuu yiri “Haa, hadaysan ka badan!”
Mar dambe ayaan garowsaday in Gaylard uu aqriyay maskaxaha dadaka dalka gacanta ku haya, way ii muuqatay in 15 sano iyo ka badan ay ku qaadan karto inay heshiiyaan nimanka siyaasadda dalka wakiilka inooga noqday….waxaanse xoogaa dhibsanayay in dhowr nin oo ka mid ah ergooyinkii shisheyaha ahaa ee shirkii Soomaaliyeed ee Mbagathi ka socday saamaynta ku lahaa ay isu dhow-dhowayd qiyaastooda la xiriirta inta ay ku dhammaan karto sii socoshada colaadda Soomaaliya.
Waa cibaarooyin yaab leh!….dowladaha waaweyn taageeradoodu waxay caado ahaan mar kasta ku bixiyaan wax ka duwan baahida uu dalka ama dowladu qabto….waxaan doonaynaa taageero xagga dhaqaalaha ah si aan tayada ciidammada kor ugu qaadno….iyagu waxay leeyihiin miiizaaniyadda aan hadda hayno waxaan ugu talo galnay wax ka qabashada Gudniinka Fircooniga ah!…..Mushaar la’aan baa jirta!…..iyagu waxay leeyihiin waxaan hadda diyaarinay miizaaniyad aan ugu talo galnay taba-bar xuquuqda haweenka la xiriira……isbitaallada dawo ma yaalaan!….iyagu waxay leeyihiin.waxaan haynaa miizaaniyad 4ta sano ee soo socota eek ala fogeynta ilmaha….waxay leeyihiin annagu waxaan haynaa miizaaniyad taba bar 3 bil ah oo horumarinta dimuqraadiyadda ah……Dantaada miizaaniyadeeda…Askerigaaga, SHaqaalahaaga, Caafimaadka dadkaaga…..isku tasho.
Sida ay ii sheegeen xubno ka mid ahaa xukuumadda oo ka soo laabtay Jowhar dowladdi waxay ka shaqayn weysay Guddoomiye Max’ed Cumar Xabeeb, oo isagu wax kasta maamulkooda gacanta ku qabsaday, waxaa adkaaday wufuuddii imaanaysay siday madax-weynihii u arki lahaayeen, xubnihii xukuumadda ka jooga Jowhar waxay gaareen heer ka fekeraan meeshii loo baxsan lahaa, meeshii dowladda sal-dhig looga dhigi lahaa, bil iyo xoogaa markay deggenaayeen waxaa bilowday cabasho laga sheeganayo saraakiishii gobolka ee ka tirsanaa maamulka Max’ed-DHeere…..dhibaatadii Jowhar lagala kulmay waxaa iila yaab badnaa in wufuudda imanaysa si ay ula kulmaan madax-weynaha lacag laga qaadayay….” Waxaan isaga adkaysanaynay ma dal kale baan leennahay, waa maya!….midda kale haddii aan dibadda u soo baxno oo aan dalka bannaanka uga soo baxno, nimanka Qabqablayaasha ah ee Xamar fariistay waxay siin lahayd fursad hor leh oo ay ku sharciyeystaan waxyaabo badan iyagoo innagu eedeynaya inaan diidnay inaan dalkii soo galno” waxaa sidaas igu yiri nin ka mid ahaa xukuumadda oo hab shaqo ku yimid Nairobi isagoo dhibsaday qaabka uu ula dhaqmay Max’ed-DHeere.
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL III) 43aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.