Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Taliyaha Cusub ee ciidamada Amisom oo Xilka la wareegay

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Taliyaha cusub ee howgalka midowga Afrika ee AMISOM Jeneral Cismaan Nuur Subagle, ayaa xilka si rasmi ah ugula wareegay taliyihii hore ee AMISOM  general Jonathan Rono kadib markii taliyaha cusub uu magaalada Muqdisho  soo gaaray maalinimadii shalay.

Jeneral Subagle taliyaha cusub ee AMISOM ayaa kulan la yeeshay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna taliyaha guud ee howlgalka midowga Afrika  danjire Francisco Caetano Madeira,iyagoo  sheegay in isbedelkan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka AMISOM.

“Jeneral ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka AMISOM dib u eegis lagu sameynayo sanadkan 2016 waan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay iyo wadahadalkeenna, hadda fikradda howgalka waxay gashay xoog, hirgelinteedana waxaa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yaha,” ayuu yiri danjire Madeira..

Jeneral Cismaan Nuur Subagle, ayaa  u dhashay dalka Djibouti  isagoo soo noqday madaxa AMISOM ee qeybta difaaca intii u dhaxeysay sanadihii 2012-2013, waxaana Danjire  Madeira uu u rajeeyay jenaral Subagle guul iyo shaqo wanaagsan.

Jeneral Subagle ayaa xilkaan loo magacaabay Bishii la soo dhaafay ee June.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Cusub ee ciidamada Amisom oo Xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>