Ankara-(Puntland Post) Madaxweynaha dalk Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saddex bilood oo xaalad deg deg ah ku soo rogay dalkaasi si uu amniga u xaqiijiyo kaddib afgambigii milatari ee fashilmay isbuucii la soo dhaafay.
Erdogan oo xalay ka soo muuqday Telefishinka dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqay mudada saddexda bilood ee xaaladda deg deg ah uu wajahaayo dalkaasi, kaddib markii uu la kulmay la taliyaashiisa milatari.
Madaxweynaha ayaa tallaabadan ku sheegay mid xoogaga ammaanka ka caawinaysa inay suggaan amniga guud ee dalka, kana hortaggaan in la qalqal-geliyo amniga.
Dhanka kale waxa uu Erdogan u mahadceliyay shacabka dalkaasi oo ka hortagay afgambigii fashilmay, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay tahay taariikhi dalkaasi soo martay.
Turkiga ayaa dacwad ugu soo rogay 99 jeneraal oo lagu tuhun sanyahay in ay ku lug lahaayeen afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay.
PUNTLAND POST
The post Dalka Turkiga oo lagu soo rogay xaalad deg deg ah appeared first on Puntland Post.