Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL V) 45aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Yates
 Waxaa jiray hummaag galay sidii ay ku shaqayniyeen dowladihii shirkii Mbagathi waday, waliba dowladihii sida cad u lahaa Soomaaliya annagaa dhisayna oo cid kale ugu baryo tegi mayno, sida Uganda….waxay arrintu u ekaatay in wax khaldameen…oo maxaa khaldami karana?!….dowladdii la dhisay Xamar waa loo diiday oo waa tegi waysay, waana laga aamusay….. Qabqablayaashii Muqdisho joogay magaalladii bay ku keliyeysteen…..noqoshadii dowladda waxa uga ziyaaday oo aan dhibaato ahayn ma jirin, magaallada Jowhar oo ay aad ugu han weyneyd waxay noqotay meel lagu qabsaday oo aysan taladeeda ka soconayn Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed-DHeere) wuxuu dowladdii ku noqday dhibaato aysan ku soo talo gelin…

 

Bishii September 01, 2005, waxaa magaallada Nairobi soo gaaray GHaniim Al-Najaar  oo ahaa nin ay Qarammada Midoobay u aqoonsatay inuu yahay xeel-dheer arrimaha    xuquuqda  ee Soomaaliya, GHaniim Al-Najaar oo Soomaaliya 11 casho soo joogay soona booqday meelo badan oo dalka ka mid ah ayaa aad uga dayriyay oo dhibaatooyin badan ka sheegay xabsiyada magaallada Hargeysa oo uu soo booqday, wuxuuna ku tilmaamay inay arrintu dhaaftay wax laga ahdlo, mar xaaladda Muqdisho la weydiiyay ayuu si aad u kooban ug jawaabay “Anigu kama hadlayn qof raba inuu is dilo” GHaniim Al-Najaar ayaa sidaasoo kale soo maray mgaallada Jowhar oo sal –dhig u noqotay madax-weynihii dowladdii federal-ka ahayd ee KMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo golihii xukuumadda iyo qayb ka mid ah Barlamanka.

 

GHaniim ayaa inoo sheegay in xaaladda uu soo arkay aysan ahayn xaalad uu ka sheekeyn karo,wuxuu sheegay in Max’ed-Dheere uu u diiday inuu arko madax-weynaha ama xubnaha muhiimka ah ee dowladda isla markaasna uu ka soo tegay isagoon hal qofna kala kulmin dowladda, wuxuuna tilmaamay in wax kasta ay maamulaan ciidamo ka amr qaata Max’ed-DHeere, wax kasta oo uu samayana aysan cidi kula xisaabtamin, qof kasta oo ka soodega gigada diyaaradaha magaallada Jowhar isagaa soo dhoweeya oo qaabila waxaana madax-weynaha iyo xukuumadda arka cidda uu isaga u oggolaado.

 

Qabqablayaashii Muqdisho joogay wallaacii iyo shakigii laga qabay waxaa ka darnnaaday shaki laga qaaday dhaqanka Max’ed-DHeere, rag badan oo lays lahaa Max’ed DHeere ayagaa idinka filan ayaa sidii laga fialyay ka gaabsaday….waxaana bilowday qaab aad moodo in dowladdii laga qaadayo lacag xoog ah, waxaana adkaaday xiriirkii madax-weynaha iyo erggeda shisheeyaha ah ee magaallada Jowhar soo garaya si ay ula kulmaan xubno ka tirsan dowladda.

 

Waxaa bilowday dareen ah in dowladdu aysan ku shaqayn karayn magaallada Jowhar,  waxaana si qarsoodi ah looga shaqeeyay inay dowladdu hesho meel ay ku shaqayso….dhinaca kale magaallada Muqdisho waxaa ka bilowday shirar kala duwan oo ay kala qabsadeen kooxo kala duwan Qabqablayaashii iyo wadaaddadii Al-Itixaadka ahaa, waxaana dowladdii soo wajahay walaac aad u weyn oo ay ka cabsatay in duulaan degdge ah dhinaca Muqdisho lagaga soo qaado, laakiin arrintaasi waxay ku dhamaatay in markii ururkii  Midowgii Maxaakimta Islaamka looga dhawaaqay magaallada Muqdisho ay ka hoos kaceen waziirradii hubaysnaa ama Qabqablayaashii magaallada Muqdisho, Max’ed Qan-Yare Afrax oo ahaa waziirkii amniga, Muuse Suudi Yalaxow oo ahaa waziirkii Ganacsiga, CUmar Max’ud Finish, oo ahaa waziirkii Arrimaha Diinta, iyo Bootaan Ciise Caalin oo isgana ahaa waziirkii DHaqan Celintaiyo Hub Ka DHigista Maleeshiyaadka, kuwaasoo iayagna isl amrkiiba ku dhawaaqay urur ay ugu magac dareen Golaha Soo Celinta Amniga Iyo La Dagaalanka Argagixisada.

 

Arrintaan waxay soo dedejisay dagaal dhex maray Maxaakimtii Islaamka iyo Qabqablayashii Muqdisho ee isku magacaabay Is-Bahaysiga La Dagaalanka Argagixisada waxaana halkaas looga  adkaaday kooxdii Qabqablayaasha dagaalka ahaa ee isla markaasna ka mid ahaa xukuumadda dowladdii lagu soo dhisay Mbagathi, jabkii kooxdan ku dhacay wuxuu ahaa guul aad u balaaran oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel uu joogayba, waxayna runtii daaha ka qaaday waxyaabo badan oo aan walixaqiiqdooda la gaarain  sawirna ka bixinaya qaabka ay wali qaranimmadeenii ku maqantahay…..

 

Waxaynu soo sheegnay in dowladda Maraykanka ay shirkii Mbagathi uga qayb qaadatay haba aad moodaysay inay Goob-Joog ka tahay, erggeda Maraykanka shirkaas u fadhiay John Yets iyo Ibraahim Bur-Saliid,  labaduba kaalintooda waxay ahayd mid aad moodo in shirka ay banaanka ka joogaan oo aysan wax kaalin ah ku lahayn, laakiin markii uu shirkii dhammaaday ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed loo doortay inuu yahay madax-weynihii dowladdii federal-ka ahayd eek u meel gaarka ahayd ee Soomaaliya isla markiiba waxaa si cad loo wada arkayay ama loo dareemayay inaysan dowladda Marykanka dhab ahaantii ku faraxsanayn madax-weynaha la doortay, marka taas laga soo tagana safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya iyadoo ay dowladdu bilo jirto ayeey kulan irridaha u xiranyihiin la qaadatay xubnihii dowladda ka soo hor jeeday….

 

Dowladdii la dhisay Muqdisho waa tagi wayday, xataa dalalkii la lahaa safka hore wax waa tari waayeen, indhahay ka fiirsanayeen, waaana aqoonsanaayeen oo iyagaaba soo dhisay, Qabqablayaashii oo waziiro ah oo  aan dowladdii rabin oo uu u horeeyo Af-Hayeenkii barlamanka baa Muqdisho degay, mar waa waziiro, waa Af-hayeen marna dowladdii bay si aan qaynuun ahayn uga hor yimaadeen xataa lama erin karo…..waa Cibaaro loo wada jeedo!.. aaway wixii labada sano loo soo fadhiyay.

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL V) 45aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>