Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo sheegtay inay soo dhawaysay ciidan kasoo goostay Somaliland

$
0
0

Dhahar(Puntland Post)-Gudoomiyaha Gobalka Haylaan Maxamed Faarax Ciise oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Magaalada Dhahar ayaa sheegay inay Ciidamada Puntland ee ku sugan degaanka Boodacade ay isku soo dhiibeen ciidan gaaraaya 31 askari oo katirsanaa Ciidamada Somaliland ee degaankaas ay isku hor fadhiyaan kuwa Puntland.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay inay ciidamadani wateen qalab dagaal oo kala duwan, wuxuuna si aada usoo dhaweeyey Ciidamada isa soo dhiibay oo horayba uga soo jeeday Gobalada Sanaag iyo Haylaan, wuxuuna ugu baaqay dhamaan Saraakiisha u dhashay Gobaladaas ee kamida Somaliland inay isa soo dhiibaan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobalka Sanaag Cabdillaahi Cumar Cashuur ayaa si aada usoo dhaweeyey ciidamada isa soo dhiibay, wuxuuna tilmaamay inay Puntland diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo kusoo xad gudubta xuduudaheeda, isagoo digniin adag u diray Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo kawada Gobalada Sanaag iyo Haylaan.

Somaliland weli kama hadlin warkan kasoo baxay Puntland ee sheegaya inay isku soo dhiibeen Ciidamo ka yimi dhanka Somaliland, wuxuuse warkani kusoo aadaya xili maalmihii danbaba ay xiisad dagaal ka aloosnayd degaanadaas.

PUNTLAND POST

 

 

The post Puntland oo sheegtay inay soo dhawaysay ciidan kasoo goostay Somaliland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>