Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL VI) 46aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Mario
Bal arrimuhu siday isu daba socdeen u fiirso, in Soomaaliya aysan noqon ama yeelan dowlad iskeed  u madax bannaan oo awood leh, waxay ahayd taladii Daniel Arap Moi  ka jeediyay uu ka jeediyay American Defence University 2003dii, dowladdii Mbagathi lagu dhisay markii la doortay madax-weynihii bishii Oktoobar 2005, dowladaha reer galbeedka waxaa taageero muujiyay dalal yar oo ay ugu horeeyeen Talyaaniga iyo Sweden, waxaana jiray dalal kale oo aan si cad taageeradooda  u muujin, hasa ahaatee dowladdii oo bilo dhowr ah jirta ayaa safaaraddii Maykanka oo aan markii horaba taageerin dhismaha dowladda ay shir gaar ah la gashay xubnihii dowladda ka soo hor jeeday…..

           


 Waxaa markii ay dowladda noqotayba bilowday tuhumo badan oo dhinac kasta la aamusay tuhunkii uu qabay, madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi waxaa hubaal ah inay arkayeen waxa socday, waxayna tuhun weyn ka qabeen ujeeddada ka dambaysay shirkii uu safiirkii Maraykanka ee Kenya uu la galay intii ka soo hor jeedday dowladda. waxaa iyadana arrin xiiso badan ahayd in markii ay dowladdii ku noqotay gudaha Soomaaliya isla markiiba iyadoo aan labo bil joogin ay hay’adda ICG (International Crisis Group) oo sal-dhiggoodu ahaa magaalooyinka Brussels iyo New York ay sheegeen in magaallada Muqdisho ay sal-dhig u tahay Al-Qaacidah, Mujaahidiin Xag-Jira,  War-Doonka Itoobiya, iyo Kooxo isku xiran oo argagixisada la dagaalama oo ay gacan siiyaan dalal reer galbeed ah, oo waa kuwee dowladaha reer galbeedka ah ee gacanta siiya…..

 

Balse adigu qiyaas, waxaa taas ka sii horeeyay in dowladaha urur goboleedka IGAD (Inter-Governmental Authority For Devlopment) ay bishii Maarso 2005, ku eedaysay in ururka ICG ay gudaha Soomaaliya xasilooni daro ka wadaan….in kasta oo uusan urur goboleedka IGAD uusan sharaxaad faahfaahsan ka bixin ICG wax ay ka samayso Soomaaliya oo xasilooni darrada keeni kara hadana waxaa iska muuqday in IGAD ay aragtay kooxdan ICG inay tahay koox saamaynteeda gaarka ah iska leh oo ay uga baqday inay naafayso dowladdii ay sida dhibka badan ku soo dhiseen….

 

Bishii July14keedii, 2005,  (muddo bil ah ayuu madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf markaa Soomaaliya joogay isagoo Kenya ka noqday) Golaha Ammaanka ee Qarmmada Midoobay ayaa diiday inay yareeyaan cuno qabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, iyadoo ay dowladaha Afrikada bari ay doonayeen inay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa  sidaas si la mid ah codsaday in Soomaaliya laga qaado qaraarkii tirsigiisu ahaa 733 ee sanadkii 1992kii, kaasoo Soomaaliya looga mamnuucay in la soo geliyo wax hub ah, waxayna ujeeddadoodu ahayd ciidan nabad gelyada dowladda ilaaliya oo hubaysan….

 

Ciidammadii Afrikada bari iyo kuwii midowga Afrika labadaba waxaa loo diiday in laga khafiifiyo cuna-qabataynta saara Soomaaliya si ay u keenaan ciidammo ammaanka dowladda suga, laakiin ciidammada Itoobiya iaygu waqtiyadaas xudduudaha Soomaaliya bay ka soo tallaabaan laakiin Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay taas kama hadli jirin…..waxayna arrintu u ekeyd in wali aysan Soomaaliya wali gaarin heerkii ay ugu talo galeen…..

 

Iyadoo arrimuhu sidaas yihiin ayaa markii ay dhismeen Midowgii Maxkamaha ee Muqdisho loogaga dhawaaqay ay dowladda Maraykanka isla markiiba waxay mushaar u qortay Qabqablayaashii Muqdisho joogay si ay ula dagaalaan Midowgii Maxaakimta, iyadoo taas aad moodo inay dowladda dhisantay waajibkii ay lahayd siinayso Qabqablayaasha Muqdisho…waxyaabahaas oo dhan waxay muujinayaan in la diyaarinaya barnaamij is qabqabsasho ah oo dhaqan noqda si loogu wiiqo awwoodda dowladda….. waxyaabahaas oo dhan guud ahaan arrimahaas markii ay soo if baxeen waxay horseedeen in dalakii dowladda taageeri lahaa ee soo dhisay ee ballan qaaday inay taageerayaan ay dib u fariistaan illaa ay wax ka hubsanayaan taasoo macnaheedu yahay in dowladdii lagu cidleeyay hawshii oo aan ciidan nabaddeeda ilaaliya la siin….. waxyaabahaas oo dhan si kama ah uma dhacayn….

 

Markii ay dowladdii dhaqaaqi waysay, oo Qabqablayaashii iyo SHariif Xasan SHiikh illaa iyo markaas aan la ogeyn sababta ay dowladda ula heshiin la’yihiin ayaa safiirkii cusbaa Mario Rafael ee bedelay Carlo Ongara ee dalka Talyaaniga uu gaaray magaallada Muqdisho bal si laysugu dayo in dhinacayada dowladda la heshiisiiyo oo laysu keeno, waxaana maalmahaas jiray muran dowladda Talyaaniga dhexdeeda ka socday oo xukuummaddii Silvio Berlusconi lagu eedayniyay inay iska indho tirayso arrimaha Soomaaliya ee ka sii daraya….

 

Waxyaabahaas oo dhan waxay fursad siiyeen in sidii la oqrshayniyay ay dowladdu iska noqoto mid is hayshaysata, dowladihii wax ka dhisay dowladda Soomaaliyeedna waxay arrintoodii noqotay aamus oo indhaha ka fiiri, wax kasta oo waan-waan ah Qabqablayaasha waxay kala hor imanayeen shuruudo aad moodoin macnaha ka dambeeya uu yahay yaan waxba la yeelin, madax-weynaha iyo xukuumadda wax kasta diyaar bay u ahaayeen, laakiin waxay ay diideen ee nin kasta uusan malaha ogeyn waxay ahayd Qabqablayaasha Muqdisha oo doonayay inay waziirro ahaadaan oo dowladda ka tirsanaadaan isla markaasna ay gaar u haystaan ciidammadooda iyo hubkooda…….Maxwell Gaylard, madax-hay’adda UNDP-da Soomaaliya markii aan weydiiyay inta ay la egtahay lacagta ku baxaysa guuritaanka dowladda Soomaaliya wuxuu iigu “Kuuma sheegi karo oo waa lcagbadan oo aan ugu talo galnay waxa Soomaaliya laga qabanayo 15sano ee soo socda!” ..15kii sano…

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL VI) 46aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>