Maxkamadihii markii ay adkaadeen Qabqablqyqqshii waxaa Xamar ka dhacday DHeg Dheer DHimtee Roobeey! DHulkii Nabadee Roobeey!…. Qabqablayaashii Muqdisho siyaasad ay lahaayeen iyo nidaam ay rabeen kama muuqan ficiladooda, waxaa keliya oo lagu macnayn karaa inay rabeen waxaa weeye dalka sida uu yahay inuu iska ahaado ayaguna dadka ku baadaan oo meel kasta ay awoodooda gaarayso ay ku yeeshaan baro ay gaadiidka iyo dadka lacago uga qaataan….bal adigu dhab u fiiri nin kasta oo yimaada oo magac dowladnimo ku yimaada waa ay la dagaalayeen, laakiin ninkii iyaga ku soo biira xaafad magaallada ka mid ah qabsada iyaguu ka mid noqonayay, arrintuna waxay noqonaysay caadi…..Cali Mahdi baa tegay waa lala dagaalay,…..Cabd-Ul-Qaasim Salaad baa tegay waa lala dagaalay…bal adigu sheeg, Muqdisho waxay noqotay meel lagula dagaalo wax kasta oo nidaam ah oo samaysmi lahaa, waxay noqotay meel loo helay Soomaaliya si loo dumiyo, maalin kasta Qabqable cusub!…..
Dowladdu waxay wada hadal ugu baaqday ururkii Midowgii Maxkamadaha, laakiin waxaa khalad weyn ahaa in Qabqablayaashii la soo jebiyay ay iska soo fariistaan barlamanka ama in la soo dhoweeyo, waa run dhibaatooyin badan baa jiray, isla markaasna waxaa u joogay SHariif Xasan SHiikh oo runtii isagu ahaa xubin muhiim ah oo iyaga ka tirsan, in kastoo uusan wax badan ka fahamsanayn siyaasadda Qabqablayaasha Muqdisho, waxaana jiray siyaasiyiin badan oo reer Muqdisho ah oo SHariif Xasan SHiikh Aadan marar badan ku celceliyay inuu ahaa wakiilka Ganacsatada Suuqa-Bakaaraha ee dowladda, wax kastana uu u burburinayay isagoo ilaalinaya danaha Ganacsatadaas.
Dowladdii iyo Midowgii Maxkamadaha waxay isku af garteen inay wada hadlaan, dowladda Suudaan ayaa iydana dhinaceeda fududaysay in wada hadalkaas uu noqdo mid suura gala, hasa yeeshee dhinaca kale wali waxaa taagnaa oo aan waxaas iyo wada hadallada dowladda iyo wadaaddada aan dan ka lahayn dowladda Maraykanka oo iyadu aan marna rabin inay dannaheeda u soo marto dowladda cusub ee Soomaaliya, rumaysanna inaysan dowladda macno yeelanayn mar haddii ay iyadu inkirto iyadoo dhinaca kalana soo dhudhumisay inta ay suuro gal noqon karto inay dowladdu taageero ka hesho shacabkaan beel-beesha isu haysta.
Sanadkii 2006dii, bishii June 22dii, waxaa magaallada KHardhuum ee dalka Suudaan wada hadal ugu bilowday Dowladdii Federal-ka Ku-Meel Gaarka ahayd iyo Midowgii Maxkammadaha Islaamiga, kulankaas runtii wuxuu bilow fiican, laakiin way iska muuqatay inuusan guulaysanayn, sababaha kuwo qarsoon ma aha, maxaa yeelay Dowladdu ma ahayn mid madax banaani buuxda ku socota oo marka horaba go’aan keligeed gaari karaysa, haddii inta ay bareerto go’aan noocaas ahna ku dhiirran lahayd waxay dareemaysay inaysan shacab haysan oo shacabkii dalka mar hore la kala qaqobay, dhanka kale, Midowga Maxaakimta qorshe siyaasadeed oo ay shacabka la wadaageen ma jirin, waxaana taas ka darnaa inaysan haba yaraatee kalsooni ku qabi karin dowlad cadowgooda xiriir la leh, guud ahaan mar kasta oo Soomaalidu shiraysayna sababahaas ama kuwo kale oo la dabeecad ah oo dhammaantood ku salaysan heshiiska ay galayaan maxaa dammaanad u noqonaya….ama side dhinacba, dhinaca kale u aaminayaa, aby u dumiyeen.
Kulankaas labada dhinac dhex maray waxaa ka soo baxaya qodobo aan macno weyn xambaarsanayn, waxaana loo balammay kulan kale bishii July 15keeda isla sanadkii 2006, laakiin way iska cadayd inaysan jirin wax ka dhaqan gelaya qodobbada ay labada dhinac ku heshiiyeen, waayo Midowga Maxkammadaha markii ay adkaadeen waziirradii Qabqablayaasha ahaa, oo ay u haysteen inay yihiin quwadda keliya ee gobollada Koonfureed joogta, waxay sidii ay himmadoodu ahayd si dhaqso ah isugu fidiyeen gobolladii ku hareerysnaa Muqdisho, waxayna diideen talooyinkii ay u soo jeediyeen xubno muhiim ah oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo kula taliyay inay heshiis la gaaraan dowladda ku-meel gaarka ah isla markaasna ay wada hadalo furaan oo dadka isugu yeeraan, has yeeshee taladaas waxba kama aysan qaadan, taasina waxay ahayd astaan aan wanaagsanayn oo loo qaadan karo inaysan wax wada hadal ah iyo xiriir ay dhinacyo kala la yeeshaan aysan rabin…
July 15keedii Midoowgii Maxkamadaha waxay isa sii taageen KHardhuum sidii lagu ballansanaa laakiin dowladdii waa la waayay……lama filaan ma ahayn, wax la sugayay bay ahayd inay sidaas dhacayso…….iyadoo ay sidaas dhici lahayd oo mar kasta la ogyaa inaysan wax heshiis ah gaareen dowladda iyo Midowga Maxkamadaha, ayaa waxaa arrinta uga sii daray duulaankii Midowga Maxkammadaha oo aan marna kala joogsan illaa iyo intii heshiiska ay soo wada galeen iyaga iyo dowladda, taasoo ay dowladda ku macnaysay in Maxkamaduhu heshiiskii jebiyeen, sidaas daraadeed ay iyaguna aysan tageen shirkii 2aad ee loo balansanaa…..
KHilaafkaas markii uu soo baxay isla markiib SHariif Xasan SHiikh Aadan wuxuu soo jeediyay in barlamanka uu u guuro Muqdisho, isagoo ku doodaya inay nabad tahay oo dolwaddu ay ku shaqayn karayso…..arrintaan waxay mar labaad kala qaybsiya dowladii Baydhabo ku wada shiraysay.
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL VIII) 48aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.