Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland 8 nin dil toogasho ah ku xukuntay

$
0
0
Marxuun Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf
Marxuun Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee somaliland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay siddeed nin oo ku eedaysnaa in ay ka dambeeyeen dilkii taliyihii qaybta boliiska gobolka Saaxil ee Berbera gaashaanle Cabdirisaaq Maxamud Yuusuf oo labadii bishii saddexaad ee sanadkan ladilay.

Xukunka siddeedan nin waxa xaqiijiyey taliyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee somaliland Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida waxa uu sheegay in siddeed nin oo kale lagu xukumay midkiiba toddoba sano oo xarig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan bilowgiisii.

Qareenka difaacayay dadkan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa xukunkan ku sifeeyey mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

Qareeenka ayaa sii raaciyay in dadkan oo dhammaan ah dad shacab  ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland 8 nin dil toogasho ah ku xukuntay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>