Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaan Garoonka kubada cagta ee Cabdikariin Laqanyo waxaa kasocota munaasabad aad ubalaaran oo lagu caleemasaarayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Waxaa caleemasaarka Ugaaska ka qeyb galaya masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.
Waxaana siweeyn loo adkeeyay amaanka garoonka ayadoona ay amaanka sugayaan ciidamo aad u fara badan oo iskugu jira nabad ilaalint, boliiska soomaaliya, iyo ciidamada xooga dalka .
Ugaas xasan Ugaas khaliif ayaa Badalaya walalkiis Cabdiraxmaan ugaas khaliif Oo geeriyooday 3dii Janaayo ee Sanadkan Islamarkaana waxu noqonayo ugaaskii 20 aad ee yeelato Beshiisu.
Saciid Xasan
Puntland Post
Muqdisho-So
The post Xaflada Caleemo Saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka socota Magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.