Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta si rasmi ah loogu caleema saaray magaalada Beled Wayne ee gobolka Hiiraan.

“Caleema saarka Ugaas Xasan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka iyo dib u heshiisiinta, iyo weliba dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Soomaaliya. Waxan aaminsanahay in khibradda iyo waaya aragnimada Ugaaska ay sahli doonto gudashada waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux waxqabadkiisa laga faa’iideysan doono “, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay soo dhoweyneyso caleema saarka Ugaaska beesha Xawaadle, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

Maanta ayay ahayd markii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif lagu Caleemo saaray Magaalada Baladweyne Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa noqonaya Ugaaska 20 aad ee Saldanada reer Ugaas ee Beesha.

u1 u2 u3 u4 u5 u6 u8 u9

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>