Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faallo: Siyaasada Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud- Bur-bur mise Barwaaqo?

$
0
0

Horddhac

Ilaa iyo wakhtigii la yagleelay waxaa ay dowlada federaalka soomaaliya ka dhamaan la`dahay dood mar walba sii dheeraaneysa oo ku saabsan qaabka uu dhismaha qaranku yeelan doono. Waxaana la isku hayaa, oo ay doodu ku salaysan tahay nidaam ka awood qaybsiga wadaaga ah ( federalism). Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa uu dadaal ugu jiraa in dowlada dhexe ay awooda yeelato, iyaduna ay go`aamiso dhamaan arimaha muhiimka ah. Inta badan gobolada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada haatan dhisan ayaa waxaa ay qabaan in sida tastuurku oranaayo ay laba gobol iyo waxii ka badanba dhistaan dowlad goboleed, awooduna ay u kala qaybsanaato dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. Haddaba qormadaan ayaan kaga faalloon doonaa arimahaas iyo qaabka uu madaxweynuhu doonaayo in fikirkiisu ku hirgalo.

Qorshaha madaxweynaha ee nidaamka federaalka

Xasan Sheekh Culusow

Xasan Sheekh Culusow

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa uu doonayaa inuu hirgeliyo nidaamka loo yaqaan ” Centralized federalism”. Taas oo macnaheedu yahay in goboladu ismaamuli karaan balse awoodu ay mar walba ka timaado dowlada dhexe. Qaabkaasi waa midka ay inta badan ku dhaqmaan dowladaha milateriga ah ee xukunka awooda ku qabsada. Goboladu magac ahaan maamul xor ah ayey leeyihiin balse go`aamada muhiimka ah waxaa mar walba gacanta ku haysa dowlada dhexe. Nidaamkan uu madaxweynuhu doonaayo ma aha midka uu qeexaayo tastuurka jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed. Tastuurku waxaa uu leeyahay waa in nidaamka federaalku noqdaa mid dowlad goboleedyadu ay awood badan leeyihiin, ayna go`aansan karaan arimaha gobolka quseeya intooda badan.

Dadka ku nool gobolada ku midoobey dowlad goboleedka ayaa xor u ah iney doortaan ama ay magacaabaan maamulkii xakumi lahaa. Nidaamka federaalka ee noocaan ah waxaa lagu magacaabaa ” decentralized federalism” oo loola jeedo in awoodu u qaysan tahay gobolada uu dalku ka kooban yahay.

Haddaba herdanka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socdaa waxaa uu salka ku hayaa labada nidaam ee federaalka ah ee aan kor kusoo sheegnay. Madaxweynaha iyo xulufadiisu waxaa ay doonayaan in saldhiga awoodu ahaado dowlada dhexe, iyadana looga dameeyo dhamaan go`aamada muhiimka ah ee la doonaayo in dalka lagu maamulo. Dadka ku nool gobolada soomaaliya intooda
badan iyo dowlad goboleedyada haatan jira waxaa ay qabaan in fikirka madaxweynuhu aanu wax taageero ah ka haysan tastuurka qaranka. Qaabka uu madaxweynuhu doonaayo inuu dalka ku maamulo ayaa ah mid aan waafaqsanayn qaab-qarameedka lagu heshiiyey ee uu tastuurku qeexaayo ayey kooxahaani qabaan.

Dagaal siyaasadeed oo kulul

Madaxweynaha dowalada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu dadaal dheer ugu jiraa in qaabka federaalka ee isagu doonaayo uu hirgalo.Waxaana ay siyaasada madaxweynuhu maalinba maalinta ka damaysa ay lugaha la sii geleysaa siyaasad qaab xun oo aan
waxba laga xishooneynin (dirty politics). Madaxweynaha iyo xulufadiisu waxaa ay ku kacayaan wax walba oo rabitaankooda siyaasadeed ku meel mari karo. Si aan loo dhisin dowlad goboleedyo waxaa uu madaxweynuhu si xoogan ugu howlan yahay inuu taageerayaan siyaasadiisa fuliya uu ku yeesho gobolo badan oo dalka ah.Qorshaha madaxweynuhu waxaa weeyaan in aan awooda laga wareejin Villa-soomaaliya oo uu goàan walbaa halkaas kasoo baxo.

Halkudhigu waxaa weeyaan in xulufo iyo iskaashi lala samaysto cid walba oo kasoo horjeeda nidaamka dowlad goboleedyada iyo in awooda lagu baahiyo dalka oo dhan ( decentralizes system). Waxaa kaloo madaxweynaha iyo kooxdiisu isticmaalayaan nidaamka ah qaybi oo xukun. Qabiilooyinka ku dhaqan gobolada ayaa qaar lala xulufoobayaa oo la soo dhoweynayaa halka qaarka kalena la faquuqaayo , loona bixinaayo magacyo kala duwan.

Arinkaas waxaa caddeyn buuxda u ah dhaq-dhaqaaqa madaxweynaha iyo kooxdiisu ka wadaan gobolada jubooyinka iyo gedo ee ku midoobey- Jubbaland. Dowlada federaalku waxaa ay kharash badan iyo dagaal siyaasadeedba ay gelisey in aan marna
goboladaas laga hirgelin dowlad goboleed. Kolkii rabitanka shacabku hirgalay ee jubbaland la dhisayna waxaa ay dowlada federaalku dadaal xoogan u gashay in la abuuro fawdo iyo qalalaase. Dowladu waxaa ay si toos ah lug ugu leedahay, maalgelina ku bixisay madaxweynayaasha dhowka ah ee iskood isu magacaabay ee warbaahinta laga maqlaayey.kolkii qorshahaasi hirgeli waayey waxaa ay dowladu iska soo daba- dirtay hufuud kala duwan oo xambaarsan qorshooyin badan oo aan la qeexin, balse saldhigoodu yahay in aan dowlad goboleedka jubbaland shaqaynin.

Siyaasada madaxweyne xasan sh. Maxamuud ee ku dhisan kala qaybinta iyo kala qoqobka waxaa ay saamaysay gobolo badan oo soomaaliya ka mid ah. Waxaa beryahaan la maqlaayey beelo badan oo leh ” kalsoonidii ayaan dowlada kala noqonay”. Waxaa kaloo meelo badan qalalaasi, khilaaf iyo iska hor imaad ka abuuray maamul iyo gudoomiyayaal laga soo magacaabay Villa-soomaaliya, Kuwaas oo aan wax taageero ah ka haysan dadka degan gobolada loo soo magacaabay.

Arinkaasi halka uu ka dhacay waxaa ka mid ah gobolka Bay. Xagee ka baxeen shaqooyinkii kale ee dowlada?

Sida isku raacsan yihiin inta badan dadka soomaaliyeed, dowladaha deriska ah, kuwa ciidanku ka joogaan soomaaliya, kuwa deeqda bixiya , waxaa siyaasadii madaxweyne xasan sheekh ay kusoo ururtay dagaalka loogu jiro in aan la dhisin dowlad goboleedyo, awooduna ay mar walba ahaato mid salkeedu yahay Villa-soomaaliya iyo magaalada Muqdisho. Waxaa meesha ka maqan dhamaan arimihii kale ee dadka iyo dalka muhiimka u ahaa sida:

- Waditaanka dadaalka dib-u heshiisiinta iyo isu soo celinta hantida

- Dhisitaanka ciidan loo dhan yahay

- La dagaalanka xarkada al-shabaab

- Wax ka qabashada arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada

- Dhib u dhiska guud ahaan dalka soomaaliya

- Wax ka qabashada iyo soocelinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadamada deriska ah

- Kasbashada kalsoonida shacabka soomaaliyeed.

Wakhtigaan xaadirka ah dowlada, baarlamaanka iyo madaxweynuba waxaa ay awoodooda dhinac walba ah iskugu geeyeen hal arin ( only one question). Waa arinka maamul ka loo sameeyey gobolada jubooyinka iyo gedo- Jubaland. Shirkii IGAD, waxaa ay madaxda dowlada dhamaan ay ka hadlayeen arinka jubaland, iyagoo haystey fursad qaali ah oo ay arimo kale oo badan uga hadlaan.

Kolkii madaxweynuhu soo laabtay ee uu muqdisho yimid waxaa uu qabtay shir jaraa`id, waxaa keliya oo uu ka hadlay arinka jubooyinka. Dhamaan wasiiradii sida wasiirka gaashaan dhiga iyo arimaha gudaha waxaa wakhtigoodii qaatay arimaha jubbaland. Aaway arimihii dalka intiisa kale.

Gebagebo iyo gunaanad

Siyaasada madaxweyne xasan sh. Maxamuud waa mid aan ku wajahnayn wakhtiga fog. Waa mid ay ku dheehan tahay , kana muuqato nidaamka kala qaybinta. Waa mid ay ka muuqato khibrad la`aan aad u balaaddhan. Waa mid salka ku haysa xulufaysi iyo kala
qaybin. Waa mid horseedi karta bur-bur iyo dalka oo mar kale dagaal sokeeye lugaha la gala. Ilaahow soomaaliya dhibaato ka bad-baadi. Mustaqbalkuna waa mid aan la hubin halka uu weliga saari doono. Madaxweyne xasan sheekh waxaan leeyahay. Hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey. siyaasada madaxweyne xasan sh maxamuudna waa mid guuldaro ku damayn doonta

C/risaq Maxamed Xuseen- dheere
E-mail: habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna,
Sweden


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>