Nairobi: (pp)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa soo dhoweyn diiran kaddib kula kulmay Caasimada dalka Kenya ee Nairobi masuuliyiin isugu jira dublumaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya magaalada Nairobi , waxaana kulamadaas madaxweynaha uu la yeeshay diblumaasiyiinta ku weheliya Wasiirka arrimaha guddaha Puntland Gen. Abdullahi Axmed Jaamac (Ilkajir).
Madaxweynaha Puntland ayaa diblunaasiyiinta uu kula kulmay magaalada Nairobi waxaa ka mid ahaa Ergayga USA u qaabilsan Soomaaylia Ambassador James Swan, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dimoqraadiyada Puntland iyo arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan arrimaha dastuurka Federaalka iyo arrimo kale.
Madaxweyne Faroole ayaa la kulmay oo kale safiirada dalalka reer galbeedka iyo Afrika u jooga dalka Kenya , kuwaas oo gaaraya illaa 15 Duplamaasiin , waxaana safiirada reer Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu hogaaminayey safiirka EU- u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone,wuxuu kaloo madaxweyne faroole la kulmay wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Al-Nadiif.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Kulankaan kulamada xiga uu kulamo gaar ah uu la yeelanayaa Safiirada dalalka Ingiriiska, Safiirka Austaralia oo caasimada Puntland ay isku arkeen asbuuc iyo bar ka hor iyo Masuuliyiin ka socota IGAD iyo dalalka Carabta.
Sikastaba, kulanka uu Madaxweynaha Puntland uu Nairobi kula leeyahay saraakiisha beesha Caalamka ayaa khuseeya sida aan soo xiganayno arrimaha Dastuurka Federaalka iyo arrimaha siyaasada iyo Dimoqraadiyeyna ee laga hirgeliyey deegaanada Puntland.
Beesha Caalamka ayaa indhaha ku haysa arrimaha Puntland ay ugu guurayso dimoqraadiyada ayna uga baxayso habkii qabiilka ee lagu soo dooran jiray baarlamaanka Puntland iyo madaxda Puntland , waxaana dalalka caalamka ay horay ugu balanqaadeen Puntland inay ku bixinayaan dhaqaale hanaanka cusub ee Dimoqraadiyada ee Puntland laga hirgelinayo 15 sano kaddib.
Sawiro Kale
Puntlandpost.com